Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in Dawladda Soomaaliya Saacado badan Ku Xannibtay Madaarka Hargeysa – Akhri/Daawo

MADAXWEYNAHA GALMUDUG AXMED DUCAALE GEELLE XAAF OO MADAARKA HARGEYSA LAGU XANNIBAY OO CADAADO GAADHAY 2017

Cadaado(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in Sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya muddo shan saacadood ku siman ku xannibtay Axaddii Maanta Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo uu Subaxnimadii hore ee Saaka Diyaarad uu Imaaraadka Carabta ka soo raacay keentay.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG AXMED DUCAALE GEELLE XAAF OO MADAARKA HARGEYSA LAGU XANNIBAY OO CADAADO GAADHAY 2017

Madaxweyne Xaaf oo gelinkii dambe ee Maanta gaadhay magaalada Cadaado oo ah Xarunta Ku-meel-gaadhka ah ee Maamulka Galmudug ee dalka Soomaaliya, si diirran loogu soo dhaweeyey, ayaa isaga oo wejigiisa cadho laga dheehan karo, waxa uu sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya Dagaal Ciddiyo-ku-dagaallan uu ugu yeedhay kula jirto Maamulka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Dadkeeda.

Waxa uu Madaxweyne Xaaf Dadka Reer Galmudug ugu baaqay iska jiraan dawladda Federaalka ah iyo Cidda ay u soo diri doonto oo uu Masaabbiir ku tilmaamay. Waxa uu ku dooday in Diyaaraddii uu kiraystay ee geyn lahayd Cadaado marka ay Hargeysa ka qaaddo Dawladda Federaalka Soomaaliya si badheedh ah u xannibtay, isla markaana muddo saacado ah gorgortan laga galay arrintiisa.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta Subaxnimadii hore ee Saaka ku yimi Madaarka Hargeysa, ka dib markii Safar dhawr iyo labaatan maalmood qaatay uu isugu maray Muqdisho, Nairobi, Jabuuti iyo Imaaraadka oo uu Xalay Niskii dambe ka soo duulay.

Waxa uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Markii Galabta lagu soo dhaweeyey magaalada Cadaado ee xarunta Dawlad-goboleedka Galmudug, ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ujeeddooyinka Safarradiisa, waxa ugu soo qabsoomay socdaalkaas, iskudhac dhex-maray Puntland iyo Galmudug muddadii uu maqnaa iyo Xayiraadda uu sheegay in Dawladda Federaalku Madaarka Hargeysa ee Somaliland ku xannibtay, waxaanannu Madaxweyne Xaaf oo Xannibaaddiisa ka warramaya idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaangsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.