Maxaa Hor Taagan Qorshaha Ay Itoobiya Ku Doonayso In Gaasta Dabiiciga Ah Ee Kililka Laga Dhoofiyo Djabuuti?

Hargaysa,(Aftahannews)–Wargeyska The Repoter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa shalay warbixin dheer ka qoray caqabadaha hortaagan gaas dabiici ah oo ay dawladda Itoobiya doonayso inay ka dhoofiso deegaanka Kaluuba iyo Hilaala ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Wargeyska ayaa sheegay in qorshe ay dawladda Itoobiya doonaysay inay Gaastii u horaysay oo dabiici ah kaga dhoofiso Deegaanka Soomaalida Itoobiya, uu u muuqda inay kolba soo waajahayaan caqabado kala duwan. Caqabada bilowga dhoofinta Gaastaas soo waajahday hadda ayaa ah wada hadalada oo ay isku mari la’yihiin dawladda Djibouti iyo shirkadda hawshan gacanta ku haysa, waxaanu is mariwaagu ku saabsanyahay dhismaha dhuunta Gaasta gaadhsiin doonta Djibouti iyo weliba dhismaha wershad gaasta sifaysa oo ay shirkadu doonayso inay ka dhisto dalka Djibouti.

 

Shirkadda Poly-CGL oo laga leeyahay dalka China ayaa sannadkii 2013 heshiis lag ashay wasaaradda macdanta Itoobiya si ay u soo saarto Gaastaas oo ku jirta dhulka Soomaalida Itoobiya islamarkaana ay u dhisto dhuumo gaasta ka qaada deegaanada Kaluba iyo Hilaala ee Kililka shanaad gayna doona dekedaha dalka Djibouti. Shirkaddan ayaa ka dib qoditaan ay ku samaysay ceelashan waxay heshay natiijo ay sheegtay inay tahay Gaas dabiici ah, waxaanay Poly-GCL qorshaysay dhismaha dhuun gaasta ka qaada deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna tuuri doonta Djibouti, waana qiyaastii 700km iyo sidoo kale wershad sifaysa Gasta oo laga sameeyo dekedaha Djibouti, ka dibna toos loogu dhoofiyo dalka China. Mahruucan ayaa lagu qiyaasay inay ku baxayso lacag dhan afar bilyan oo dollar.

Shirkaddan Poly-GCL ayaa qorshaysay inay soo saarista gaasta bilowdo sannadkan 2017 iyadoo markii dambena u bedeshay 2018, laakiin sida qorshuhu u muuqdo sannadka 2020 kama horaynayso haddii lagu gulaysto maadaama oo wax badani qabyo yihiin. Wargeyska The Reporter ayaa xaqiijiyay inaan weli la bilaabin dhuumaha gaasta iyo weliba wershadda gaasta sifaynaysa midkoodna.

Wasiirka macdanta, Baatroola iyo gaasta dabiiciga ah ee Itoobiya Motuma Mekassa ayaa u sheegay wargeyskan The Reporter inay socdaan wada hadalo u dhexeeya shirkaddan China iyo dawladda Djibouti, “Waa wada hadalo adag oo muddo dheer qaatay, dib u dhac yar ayaa jira. Dawladayadu waxay labada dhinacba ku dhiirigelinaysaa inay dedejiyaan wada hadalada, waxaanan rajaynaynaa in la soo gunaanadi doono dhawaan oo heshiis la saxeexi doono oo dhuumaha la bilaabi doono sannadka 2018.” ayuu yidhi Wasiirku.

Shirkaddan qodaysa ee doonaysa inay dhoofiso Gaastan dabiiciga ah ee Itoobiya, ayaa gaasta ku jirta Kaluuba iyo Hilaala ee deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay ku qiyaastay 118 Billion oo cubic meter, waxaana markii u horaysay la sahamiyay sannadkii 1972 iyo haddana sannadkii 1980.

Haddii ay Itoobiya ku guulaysto dhoofinta Gaastan wuxuu u noqonayaa guushii saddexaad ee ay gaadheen sida uu wargeysku qoray, iyadoo mashruucani uu ku biiri doono mashruuca biyo xidheenka iyo weliba jidka tareenka casriga ah ee isku xidha Itoobiya iyo Djibouti.

Geesta kale, warbaahinta Itoobiya ayaa sannadkii 2009 qortay in Itoobiya doonayso inay Gaastan ka dhoofiso dekedda Berbera ee Somalilnd, laakiin sida muuqata isbedel ayaa ku yimid qorshahan wixii ka dambeeyay sannadkii 2009.