Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Dugsiyo Saddex Sano Waxbarasho Lagu Qaadan Jiray

Hargeysa, 11 September 2017 (Aftahannews)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa sheegay in la joojiyay dugsiyo saddex sannadood waxbarashadooda lagu qaadan jiray. Islamarkaanna la raacayo siyaasadda inoo qoran ee waxbarashadda.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in la tayaynayo waxbarashadda oo la doonayo inay soo baxaan arday isku manjaha.
Agaasimuhu wuxuu sidaa u sheegay Telefishinka SaabTv, waxaannu ugu horayn ka hadlay waxa kalifay in la joojiyo dugsiyo sarre oo saddex sanno waxbarashadoodu ahayd “Waxa jiray dugsiyo saddex sano ah oo dugsiyo sarre ah, oo hore wasaaradu tallaabo ayay uga qaaday, immikan tallaabo ayaa laga qaadi doonna. Ma jirayo dugsi sare oo saddex sanno ah. Nidaamka sharciga ah ee siyaasada qaranka ku qoran ayaa la raacayaa. Sidoo kale ma jirayo iskuulo kala duwan iyo manhajyo kala duwan isticmaalaya, marka waxaannu doonayna inay ardayda innoo soo baxaysa noqdaan arday isku mid ah.”Ayuu yidhi Axmed Abokor
Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu sheegay in la dhammeeyay qorshihii sannadka 2017 ilaa 2021-ka”Horta qorshihii hore waxa la sameeyay sannadkan shanta sanno ee soo socda waxa dhammaystirmay horshaheedii 2017 ilaa 2021-ka ayaa qorshihii wasaaradda waxbarashadda la sameeyay. Shantan sanno waxyaabaha muhiimada la saarayay waxa ka mid ahaa tayadda waxbarashadda, marka tayadii baa noqotay in la xoojiyo maadaama oo iskuulkii la dhisay, macalinkii la tababaray, ardaydii joogto in waxbarasho rasmi ah ka dhacdo iskuulka