Cristiano Ronaldo Oo Dhibka Haysata La Ogaaday Inuu Yahay Habaar Waalid

Ciyaaryaanka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo beryahaan ay haysto dhibaato fara badan ayaa waxaa la sheegay in dhibkaa uu ku kasbaday Habaar Waalidkii uga tegay.
Cristiano Ronaldo oo dhawaan la ganaaxay shan Kulan loogana yeedhay Maxkamad islamarkaana Maskax ahaan iyo xoog ahaanba aad hoos ugu dhacay ayaa waxaa la ogaaday in dhibkaas oo dhan uu ku kasbaday markii uu ka qayb geli waayey Aaska Aabihii xiligii uu geeriyoodey.
Ronaldo ayaa ka qayb gelin aaskii Aabihii Jose Dinis Aveiro islamarkaana isla habeenka uu dhintay uu ciyaaray Ciyaar ka tirsan Horyaalka dalka England isaga oo aan wax xushmad ah siin habayaraatee geerida ku timi Aabihii.