“Cilmigaa Ka Daba-keenka ee Xalay, Xirsiyoolaji baa la yidhaahdaa oo waan Aqaannaa Anigu..” Cali-Guray

CALI-GURAY OO GO'AANKA DAMBE EE XILDHIBAAN TALYANLE XIRSI KU EEDEEYEY 07 AUGUST 2017

Saaxil(Aftahannews):- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo dhawaanahan ka tirsan Xisbil-xaakimka Kulmiye, ayaa sheegay Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ku eedeeyey inuu ka dambeeyey labakaclaynta Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo shalay Baashe Maxamed Faarax ay ku tartameen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo hal cod markii lagaga guulaystay sida Shirguddoonku sheegay hambalyeeyey, balse uu Talyanle xalay sheegay inuu isagu helay Codka guusha.

CALI-GURAY OO GO’AANKA DAMBE EE XILDHIBAAN TALYANLE XIRSI KU EEDEEYEY 07 AUGUST 2017

Cali-Guray oo ka mid ah Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi oo deegaanno ka tirsan gobolka Saaxil shalay iyo maanta Safar ku marayey, ayaa mar uu Isniintii Maanta hadal ka jeediyey mid ka mid ah deegaannadaas, sheegay in Cirro Miskiin yahay, balse wax kasta oo wanaagsan oo uu sameeyo Qolo Xirsi u horreeyaa Xumaan ku masaxayaan, sida uu hadalka u dhigay Cali-Guray.

Hadalka Cali-Guray sidii ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Hadalkii Talyanle ee xalay uu ku beddelay go’aankii uu gelinkii hore ee Axadda ku bogaadiyey Baashe oo ay tartameen, kaga hadlay Cali-Guray, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somalilland.