“Tani maaha Xamar ee waa Hargeysa, Ninna Guddoomiye iskama sheegan karo, Talyanle-na..” Wasiir Caddaani

CABDIRAXMAAN MAXAMED TALYANLE IYO BAASHE MAXAMED FAARAX AUGUST 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay inay Guddoomiyaha la doortay ee Sharciga ah ee Axaddii shalay loo doortay Golaha Wakiillada u aqoonsan tahay Baashe Maxamed Faarax, isla markaana Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo la tartamay oo sheegay in Codkiisii Baashe la siiyey ku eedaysay inay dabada ka riixayaan Musharraxa Madaxweynaha iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan-Cirro iyo Xirsi X. Cali Xasan.

CABDIRAXMAAN MAXAMED TALYANLE IYO BAASHE MAXAMED FAARAX AUGUST 2017

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo Maanta Warbaahinta qaar kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaan Ninna iska sheegan karin Xil Guddoomiyennimo oo aan loo dooran Golayaasha Qaranka Somaliland, isla markaana aanay aqbalayn sheegashada Talyanle ee ay u arkaan mid Xisbiga Waddani ka dambeeyo.

Hadalka Wasiir Caddaani iyo dhinacyada uu duray ee uu la xidhiidhiyey Muranka ka taagan doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.