“Markay Waddani & Kulmiye Maanta isku Haystaan Cod, Sidaynu u ekaan doorashada Madaxweynaha?” Faysal Cali Waraabe

GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay muranka ka taagan Xildhibaanka loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Axaddii shalay oo ay ku tartameen Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Baashe markii hore loogu dhawaaqay natiijada, halka Talyanle oo markii hore natiijadaas aqbalay oo Tahniyadeeyey uu habeen-hore shaaciyey inuu Guddoomiyaha la doortay isaga yahay oo wax-is-daba-marin la sameeyey.

GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID FAYSAL CALI WARAABE

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in muranka iyo is-qabsiga Kursigaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka taagan uu muujinayo sida ay yihiin Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, isla markaana ay digniin u tahay tallaabadani sida loo aammini karo in labadaas Xisbi dhibaato u horseedin dalka iyo dadka marka ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha lagu dooran doono ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka.

“Golahan Aniga iyo Shacabka Somaliland midkaayana kalsooni kuma qabno, waxan ka dhacayna, Aniga shalay waxa iigu dambaysay iyadoo la is-tahniyadeeyey, codku hadduu dhaco oo la is-tahniyadeeyana wuu dhammaaday, immikana waxaad illeedihiin waa lays haystaa. Taasi waa Allaah mahaddii oo waa digniin Shacabweynaha reer Somaliland u muuqata, maanta haddii 82-kii Xildhibaan ee weliba qaar maqnaayeen Codkooda ay isku haystaan labadan Xisbi ee Layliga ahi Annagaa helnay iyo Annagaa helnay, sidaynu u ekaan doonnaa doorashada soo socota ee Madaxweynaha?” Sidaa ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe oo Maanta arrimahaas iyo kuwo kale oo wadahadalka Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland u socday cidda fashilisay la xidhiidha oo uu ka hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.