Talyanle oo ka Jawaabay Su’aalo Weriyeyaashu Ku Boobeen & Waxa ku Kallifay Saqbadh Hadalka – Daawo

XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN TALYANLE OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GUURTIDA KANA HADLAY WIXII KA HADLIYEY 2017

Hargeysa(Aftahannews):-  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa ka jawaabay sababta ku kalliftay Musharrixii ay shalay ku tartameen Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo uu tahniyadeeyey markii Shir-guddoonku sheegay in hal Cod lagaga guulaystay uu Xalay u qaaddacay natiijadii uu shalay aqbalay, isla markaana u shaaciyey inuu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golahaas.

XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN TALYANLE OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GUURTIDA KANA HADLAY WIXII KA HADLIYEY 2017

Waxaanu Md. Talyanle oo Warbaahintu su’aalo ka weydiisay arrimahaas Maanta ku dooday inuu daacad ahaa oo uu run u qaatay natiijada lagu dhawaaqay ee kala ahayd in uu 38 Cod isagu helay, Baashena 39 Cod helay, balse ay caddaatay in 39-ka Cod uu Talyanle ahaan helay, sida ay caddeeyeen Xoghaynta Golahaas qaarkood iyo Xildhibaannada 39-ka ah ee iyagu codkooda siiyey. Waxa uu Talyanle kulan la yeeshay Maanta Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Haddaba, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo waxyaabahaas faahfaahinaya, kana jawaabaya Su’aalaha Weriyeyaasha qaarkood ku weydiiyeen Isniintii maanta magaalada Hargeysa, waxaannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.