Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Baashe Ku Hambalyeeyey Xil Guushiisa Muran Ka Taaganyey

Hargeysa, 07 August, 2017(Ogaal):- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay Guddoomiye cusub u doortay Baashe Maxamed Faarax oo ahaa Ku-xigeenkii koowaad ee Golahaas oo uu isla shalay iska casilay, waxaana Hambalyo u diray Baashe Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaanka jagadaas kula tartamay Cabdiraxmaan Talyanle iyo Guddoomiyihii hore ee Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo Arbacadii inna dhaaftay iska casilay xilkaas.

Jagada uu ku guulaystay Baashe Maxamed Faarax ee Afhayeenka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaa kula tartamay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo uu hal Cod kaga guulaystay. Intii aanay codaynu dhicin, waxay labada Musharrax Khudbado kooban ka hor-akhriyeen Fadhigii shalay oo uu Guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed, waxaanu mid waliba Talyanle iyo Baashe hadalkiisa ku sheegay inuu nidaam hufan, dhexdhexaadnimo, sinnaan, cadaalad, ilaalinta Qarannimada iyo Midnimada Somaliland iyo horumarin uu Golaha gaadhsiin doono inta uu joogo haddii loo doorto. Hase-yeeshee, markaas ka dib waxa loo gudbay wareegga Codaynta ee fadhigaas.

Fadhigaa shalay ee Wakiillada ayey ka qaybgaleen 78 Xildhibaan oo ka tirsan 82-ka Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaana la gudagalay Codaynta doorashada Guddoomiyaha oo ay Talyanle iyo Baashe ku tartamayeen, 38 Xildhibaan ayaa u Codeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, halka Baashe Maxamed Faarax ay u codeeyeen 39 Xildhibaan, sida uu shaaciyey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo fadhiga hoggaaminayey intii doorashada iyo hawleheedu socdeen.

Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee tartanka kaga guulaystay, waxaanu yidhi; “Aniguna 38 cod baan ahaa, Baashena 39 buu ahaa, hal cod buu ku helay, waanan u hambalyaynayaa. Golaha Wakiillada, Xildhibaannadii na doortay labadayadaba, iyagana waan ammaanayaa, Dimuquraadiyad bay muujiyeen, Xilkasnimo ayay muujiyeen. Golaha dhammaantii aad iyo aad buu mahadsanyahay, shucuurtayda iyo dareenkayaguna aad buu u wannaagsan yahay, Baashenna waxaan leeyahay Hambalyo.”

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Golahaas ee Kursigaas iska casilay Arbacadii toddobaadkii hore Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isaguna hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub oo ay 12 sano Shir-guddoonka Golahaas wada ahaayeen. “Marka koowaad waxaan hambalyaynayaa Saaxiibkay, Guddoomiye ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiillada oo si mug leh goluhu ugu doortay inuu yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Aniga I beddelaya. Waxaan u rejaynayaa Guddoomiyaha inuu Allaah ku asturo xilka. Aniguna waan sii macasalaamaynayaa oo Insha Allaah xil-wareejintiina waannu samayn doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahintu dareenkiisa wax ka weydiisay markii uu guulaystay ka dib, waxa uu yidhi; “Dareenkaygu waa caadi, 12 Sano ayaan Shir-guddoon ahaa, Shir-guddoonkuna waa isku mid, waan is-casilay oo waad arkayseen, haddii ay Kursi-jacayl iga tahayna isma casileen ee Kayga (Ku-xigeenka koowaad) ayaan iskaga fadhiyi lahaa, waxaan doortay inaan Kursiga banneeyo, haddii layga helana caadi bay ahaan lahayd oo Xildhibaan baan ahay, dareenkaygu waa sidii hore, haddii layga helana sidaas baan ahaan lahaa, Ragga kale kama caqli badni kamana cilmi-badni ee Nasiibkaygaa I geeyey (Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inaan noqdo.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan Muqdisho, ayaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland u doorteen Baashe Maxamed Faarax, isla markaana sheegay inuu hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayo. Waxaana sidaa lagu sheegay War Qoraal ahaa oo shalay lagu baahiyey Bayjka ay Idaacadda Dawladda Soomaaliya ee Radyoow Muqdisho ku leedahay Internet-ka ee Radiomuqdisho.net.

Warkaas ay Idaacadda Muqdisho baahisay oo aannu ka soo xigannay, waxa uu u dhignaa oo lagu yidhi sidan; “Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo u diray Baashe Maxamed Faarax oo ku guuleystay doorashada Guddoomiyennimo ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo doortay Baashe Maxamed Faarax.”

Xigasho Wargeyska Ogaal