Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay  Wasiirro u Badan Xukuumaddii Kalsoonida Lagala Noqday

Garoowe(Aftahannews)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland ,kuwaasi oo isugu jiray wasiiro iyo ku xigoonadoodi , isla markaana tiro ahaan gaarayay 53 xubnood.

Xubnaha booskooda waayay waxaa kamid ah wasiir Aniso Xaaji Muumin oo ahayd wasiirkii Haweenka Puntland ,iyadoo Axmed Cilmi Karaash oo horey u ahaa wasiirka arimaha gudaha loo badalay wasaarad-da duulista hawada iyo Garoomada.

Golaha cusub ayaa intooda badan laga soo qaatay xukuumad-dii kalsoonida lagala laabtay ,iyadoo ay jiraan xubno ku cusub liiska , balse horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamuladii soo maray gobolka.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdillaahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa akhriyay liiskan oo maalmihi la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay.

  1. Saalax Xabiib Jaamac: Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
  2. Cabdulaahi Cali Xirsi : Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
  3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad : Wasiirka Amniga iyo DDR
  4. Cabdulaahi Siciid Carshe : Wasiirka Maaliyada
  5. Shire Xaaji Faarax : Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
  6. Cabdiftaax Siciid Caynab : Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
  7. Abshir Ow Yusuf Ciise : Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
  8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke : Wasiirka Caafimadka
  9. C/rixmaan Barkhad Warsame : Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
  10. Siciid Maxamed Raage : Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
  11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash : Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
  12. Maryan Axmed Cali : Wasiirka Hormarinta Haweenka
  13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab : Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
  14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran : Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  15. Cabdulaahi Sh. Axmed : Wasiirka Xanaanada Xoolaha
  16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe : Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame : Wasiirka Deegaanka

  1. Cabdirshiid Maxamed Xirsi :Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
  2. Cabdi khadar Faarax Shaaciye : Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
  3. Cabdiraxman Sh. Axmed: Wasiirka Shaqada Shaqalaha iyo Ciyaaraha.