Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Shahaado-Sharaf lagu Maamuusay iyo Adeegyada ay Ku Mutaysatay

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND SAMSAM CABDI AADAN OO SHAHAADO-SHARAF LAGU MAAMUUSAY ILLINTA DHEXE 2017

Illinta-dhexe(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa Shahaado-sharaf lagu Maamuusay, taas oo ay ku Mutaysatay horumarinta Adeegyada nolosha Bulshada aasaasiga u ah, gaar ahaan Biyaha oo ay dedaal ka geysatay deegaannada dalka qaarkood.

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND SAMSAM CABDI AADAN OO SHAHAADO-SHARAF LAGU MAAMUUSAY ILLINTA DHEXE 2017

Wefti ay hoggaaminaysay Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ku wehelinayeen masuuliyiinta hay’adda Save the Children ayaa socdaal ku tagay deegaanka Ilinta-dhexe oo ka tirsan degmada Daarasalaam oo waqooyi kaga beegan Hargeysa, oo dhawaan laga hirgaliyey mashaariif ceel biyood ah oo halkaasi laga qoday iyo beebab biyo lagu gaadhsiiyey dadka deegaankaasi.

Munaasibaddii Xadhigga lagaga jarayey mashaariicdaasi oo Maanta lagu qabtay halkaas, ayaa waxa shahaado sharaf lagu maamuusay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Sasmam Cabdi Aadan oo iyadu ceelkaasi qoday iyo hay’adda Save the Children oo beebab 3KM ah ku soo gaadhsiiyey biyaha ceelkaasi dadka tuulada ilinta-dhexe degan.

FURISTA CEEL-BIYOODKA ILLINTA-DHEXE LAGA HIRGELIYEY

Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay, waxay tidhi; “Illaahay ayaynu kun jeer ugu mahadnaqaynaa biyahaa uu ina siiyey, waxa aynu durtaba arkaynaa intifaacii biyahaasi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo runtii u guntaday in abaar iyo barwaaqoba uu ummaddiisa la qaybsado, meeshani waa meel wanaagsan runtii. Inankaa madaxda ka ah tuulada waxaan garanayaa markii aan Wasaaradda Waxbarashada joogay, marna waxbuu u dhigayey ardayda marna madax ayuu ka ahaa tuulada, markaa intiinaa meesha joogtaa hadaad gacanta is-qabsataan, haddaad beero qodataan imika beeraad qodanaysaan sidii hore ma jirayso intiinaasi is-daryeeshaan insha allaah sidaa aynu biyaha ugu guulaysanay ayaynu caafimaadkana ugu guulaysan doonaa.”

WASIIRKA MAALIYADDA IYO XUBNAHA WEFTIGEEDA EE ILLINTA-DHEXE TEGAY

Isu-duwaha Wasaaradda Biyaha ee gobolka Maroodi-Jeex, Yuusuf Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Haddaanu nahay Wasaarada Biyaha, waxa aanu halkan u nimid sidii maamul loogu samayn lahaa ceelkaasi.” ayuu yidhi Isu-duwuhu.

Sidoo kale Madaxa hay’adda Save the Children ee Somaliland, Mukhtaar Maxamed Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ceelkan qoditaankiisa Wasaaradda Maaliyadda ayaa samaysay oo qodday, Save the Children waxay soo jiiday 3KM oo beebka ah, waxa kale oo aanu samaynay taangigaa kale ee biyuhu ay ku kaydsamayaan iyo meelahaa ay biyaha ka cabaan dadweynuhu” ayuu yidhi Mukhtaar Maxamed Xasan, Madaxa Hay’adda Save the Children.

dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Madaxa hay’adda Save the Children ee Somaliland iyo Somalia Xasan Nuur Siidi, kaas oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada iyo iskaashiga ay iskaashadeen Wasiirka Maaliyadda iyo kooxda Save the Children ee halkan joogaa, isla markaana ay ugu dambayntii tuuladan u suuragaliyaan inay biyo hesho.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha tuulada Ilinta-dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise waxaanu yidhi “Tuulada saddexdii biloodba marbay biyuhu ka gu’i jireen, saddexdii sanadood ee ugu dambaysay, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan illaahay khayr badan haka siiyee, waxa ay biyaha inoo keentay afartii sano ee ugu dambaysay, waa lixdan kun oo foosto oo biyo ah, waxa weeyaan nidaamkaa dawladnimo iyo hadhkaa aynu wada hadhsanayno hadaanu jirin noomuu hirgaleen. Waxa haddii Rabbi xugmayo si joogto ah riigaasi uga faa’iidaysan doona, sidaan horeba u xusay saddexdaa kun ee qoys, oo kun qoys ay si toos ah yihiin halka labada kun ee qoys ee kale marna ay usoo guuri doonaan marna ay ka guuri doonaa, oo marna xeebta ay u dhaadhacayaan marna ka soo dhaadhacayaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Tuulada Illinta-dhexe.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.