“Annagu Waxaannu lahayn 39 Cod, Garabka kalena 38, Waxa Noo Cad in Tirada la is-weydaariyey…” Xildhibaan Baar Siciid

XILDHIBAAN BAAR SICIID

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Xildhibaan Baar Siciid oo ah Haweenayda keliya ee ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegtay in la is-daba-mariyey natiijada Codadka ay kala heleen Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo Axaddii Maanta ku tartamay jagada Guddoomiyaha Golahaas, isla markaana ku kala guulaystay 38 Cod iyo 39 Cod oo Shir-guddoonkii Fadhiga hagayey shaaciyey.

XILDHIBAAN BAAR SICIID

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), ayuu Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed oo fadhigaas shalay Guddoomiyaha lagu doortay hoggaaminayey shaaciyey inuu helay 38 Cod, halka uu sheegay in Baashe Maxamed Faarax oo ay tartamayeen helay 39 oo uu ku guulaystay. Hase-yeeshee, Xubno ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa shaaciyey in Codka la is-weydaariyey.

Xildhibaannada Cabdiraxmaan Talyanle oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani u codeeyey ee ay Isku Xisbiga ahaayeen, waxaa ka mid ahayd Xildhibaan Baar Siciid, oo markii natiijada doorashadaas lagu dhawaaqay ee fadhiga laga soo baxay Warbaahinta qaar la hadashay, ayaa muujisay in sida loogu dhawaaqay aanay natiijadu ahayn.

“Annagu waxaanu lahayn 39 Xildhibaan, Garabka kalena wuxuu lahaa 38 Xildhibaan. Waxa noo cad in tirada la is-waydaariyey oo si kale la isku waydaariyey. Laakiin, hadda waxaasi waa wax tegay ee Illaahay khayr ha ka dhigo.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid.

Waxaanay Baar oo sii wadatay hadalkeeda intaas ku ladhay oo ay tidhi; “Anigu waxaan u codeeyey Talyaanle, waxaanan ugu codaynayey waxaan is leeyahay wuxuu ahaa Ninka ugu hoggaaminta fiicanaan lahaa, waana la doortay waxaana dhacay khalad ama halloo badheedho oo wuxuu helay (Talyaanle) 39-cod, laakiin sida kale ayaa loo rogay.”

Si kastaba ha ahaatee, arrintani hadday rumawdo ama ay dhab noqoto waxay noqonaysaa Fadeexad weyn oo saamayn taban ku yeelan karta kalsoonida doorashooyinka Somaliland lagu qaban karo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.