“Immika laga bilaabo Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Wakiillada Somaliland waa Aniga..” Talyanle

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo Maanta u tartamay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, balse Tahniyadeeyey Baashe Maxamed Faarax oo ay Kursigaas ku tartameen oo Shir-guddoonku sheegay inay hal cod ku kala guulaysteen, ayaa Shir Jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Hargeysa ku sheegay inuu yahay Guddoomiyaha la doortay ee helay 39-ka Cod.

Cabdiraxmaan Talyanle oo mardhawayd oo Caawa ah Warbaahinta la hadlay ka dib Kulan uu Xildhibaannadii u codeeyey la yeeshay, ayaa sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Sharciga ah ee Golaha Wakiillada, loona baahan yahay inuu Baashe aqbalo xaqiiqada soo baxday.

Waxaannu Cabdiraxmaan Talyanle oo arrimahaas sharraxaya iyo Xaqiiqada uu haysto ee Kursigii uu Tahniyadeeyey Ninkii loogu dhawaaqay hadda isagu u sheeganayo, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.