Talyanle iyo Tiraabta Tarankii Codka lagaga Tirsaday & Tahniyad uu u Diray Ninka Kursiga uga Tallaabada horreeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), ayaa Hambalyeeyey Guddoomiye Golaha Wakiillada Somaliland loo doortay Baashe Maxamed Faarax oo uu Jagadaas kula tartamay fadhigii Axadda Maanta ee Golahaas, ka dib markii uu Hal Cod kaga guulaystay, sida Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas oo Fadhiga guddoominayey ku dhawaaqay.

Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa helay 38 Cod, halka Baashe Maxamed Faarax oo la tartamay helay 39 Cod, sidaana waxaa Guddoomiyaha Golahaas ku noqday Baashe oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, halka Talyanle ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu markii natiijada codaynta lagu dhawaaqay ka dib sheegay inuu hambalyeynayo Guddoomiyaha la doortay ee halka cod kaga guulaystay.

Waxaannu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo ka hadlaya dareenkiisa guusha laga hantiyey ka dib, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.