Cirro oo Cayimay Xilliga uu Iska Casilayo Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland – Akhri/Daawo

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Arbacada Berri bannayn doona Xilkaas oo uu hayey tan iyo 205-tii markii Golahaas la soo doortay oo xilkaas loo doortay, waxaana loo ballansan yahay in Berri oo Arbaca ah fadhiga Golahaasi yeelan doono uu Iscasilaaddiisa ku shaaciyo, sida uu sheegay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golahaas Cali Yuusuf Axmed.

 

Jagada uu bannayn doono Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, ayey u sharraxan yihiin dhawr Musharrax, kuwaas oo ku tartami doona xilkaas, isla markaana ay Mudanayaasha Golahaasi kala dooran doonaan, ka Codka ugu badan helaana sidaa ku noqon doono Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ee Muddo-kordhinta ku fadhiyey wixii ka dambeeyey 2010-kii. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isaguna u madax-bannaanaan doona hawsha Xisbiga uu Madaxweynaha uga sharraxan yahay ee Waddani.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf Axmed oo Maanta Warbaahinta qaar kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey go’aanka lagu gaadhay in Goluhu Arbacada isu yimaaddo, isla markaana Cabdiraxmaan-Cirro is-casilaaddiisa ka shaacin doono, waxaanannu Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.