“Muuse ma qabsoomayo, Cirro Anigaa Qabanaya, Hadduu Qabsoomi waayo waan Isku Qarxinayaa..” Ismaaciil-yare

ISMAACIIL AADAN CISMAAN (ISMAACIIL-YARE) OO WEERARAY GUDDOOMIYAHA KULMIYE MUUSE BIIXI 31 JULY 2017

Allaybaday(Aftahannews):- Siyaasiga Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa sheegay in Musharraxa Xisbiga uu hadda ka tirsan yahay ee Waddani Allaah uga baryayo inuu Madaxweynaha Somaliland ka dhigo, sababtana waxa uu ku sheegay in Cirro hadduu wax qaldo leeyahay Cid qabata, Isaga laftiisuna qabanayo, haddii uu qabsoomi waayana uu isku qarxin doono, halka uu ku dooday inaanu dhiggiisa Kulmiye (Muuse Biixi) qabsoomaynin, sida uu hadalka u dhigay.

ISMAACIIL AADAN CISMAAN (ISMAACIIL-YARE) OO WEERARAY GUDDOOMIYAHA KULMIYE MUUSE BIIXI 31 JULY 2017

Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka mid ahaa Wefti sare oo Xisbiga Waddani ka tirsan oo uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro oo Safar ku tegay degmada Allay-baday iyo deegaanno hoos taga Isniintii Maanta, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey, ayuu ka mid ahaa Ismaaciil-yare Siyaasiyiintii Khudbadaha ka jeediyey, waxaanu duray Musharraxa Madaxweynaha Xisbil-xaakimka Kulmiye ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba, Ismaaciil-yare oo arrimahaas iyo kuwo kale kaga hadlaya Khudbaddaas uu ka jeediyey Allay-baday, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.