Komishanka & Xisbiyada oo ka Hadlay Siday Ku Dhammaatay Kaadh-qaadashada Maroodi-jeex & Togdheer

GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO MASUULIYIINTA SADDEXDA XISBI EE SOMALILAND 31 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Saddexda Xisbi, ayaa ka hadlay dhammaadka qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta ee tan iyo horraanta bishan dhammaatay ee Julay ka socotay gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer, taas oo ay sheegeen inay si qurux badan oo nabadgelyo ah ku gebo-gabawday.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA IYO MASUULIYIINTA SADDEXDA XISBI EE SOMALILAND 31 JULY 2017

Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Xarunta Guddiga doorashooyinka Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaas oo Nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Guddida Komishanka doorashooyinka Qaranka oo warsaxaafadeed ku qabtay xarunta KDQ Hargeysa ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la soo afmeeray kaadh-qaadashadii labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Guddoomiyaha komishanka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo arrintaas ka hadlay ayaa shaaciyay in maalintii Axada 30/07/17 la soo gebagabeeyey kaadh-qaadashada labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Guddoomiyahu waxa uu sheegay in hawshaasi si nabadgalyo ah kusoo xidhantay, sidoo kalana ay aad ugu mahadcelinayaan ciidamadii amaanka hayey, saxaafadda, Ardaydii ka hawlgalaysay kaadh-qaybinta iyo saddexda xisbi qaran iyo dhammaanintii kale ee ka hawlgashay kaadh-qaadashada labada gobol.

Dhanka kale, saddexda xisbi qaran oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay KDQ hawsha ay hayaan iyo sida nidaamka leh ee ay u soo gabagabeeyeen hawsha afarta gobol ee Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Gebagadii waxa uu Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame farriin u diray labada Gobol ee Sool iyo Sanaag ay kaadh-qaadashadu ka bilaabmi doonto 12/08/2017 in ay u diyaargaroobaan in ay kafaa’iideystaan fursadda kaadh-qaadashada ee ka bilaabmi doonta labada gobol. Allaamahadleh.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.