Maraykanka iyo Soomaaliya oo Shaaciyey inay Dileen Hoggaamiye Al-Shabaab Xil Sare ka Hayey

DIYAARAD DUQAYN FUINAYSA
DIYAARAD DUQAYN FUINAYSA

Tooro-Toorow(Aftahannews):- Taliska Ciidammada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, ayaa shaaciyey inay 29-kii bisha Julay oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan ay Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanku Soomaaliya ka fuliyeen hawl-gal lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo ay sidoo kale Dawladda Soomaaliya dhankeeda war ka soo saartay oo ay magiciisa ku sheegtay Cali-Jabal oo Muqdisho mar u qaabbilsanaa Al-Shabaab.

DIYAARAD DUQAYN FUINAYSA

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, kaddib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Sidaa waxa lagu yidhi War Qoraal ahaa oo Isniintii Maanta ka soo baxay Taliska Ciidammada Maraykanka u qaabbilsan Afrika ee Africa Command.

War-Saxaafadeedkaas, ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ahi aanay dadka Shicibka ah ee deegaannadaas ku dhaqan kasoo gaadhin weerarkaasi intii uu socday, kaas oo Warka lagu sheegay inuu ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee Koonfurta Soomaaliya.

Waxa kale oo Warku intaa ku darray in weerarka la qaaday ka dib markii iskaashi lala sameeyey Xulufada gobolka, iyada oo lagaga hortagayo falalka Al-Shabab oo ay ku jiraan weerarrada uu Ururkaasi dhawaan ku qaaday Ciidanka dawladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM.

Taliska Ciidammada Maraykanka u qaabbilsan Afrika oo Warka ka soo baxay oo sii socday, waxa lagu yidhi; “Waan sii wadaynaa wada shaqeynta aannu la leenahay Soomaalida iyo Xulufada Midawga Afrika; si aannu u burburinno Al-Shabaab, isla markaana aan kaalin uga geysanno degganaanshaha iyo Amniga gobolka oo dhan.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya oo Galabta War ka soo saartay weerarkaas, ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in Wakiilkii Ururka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali-Jabal) lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tooro-Toorow.

War-Saxaafadeed shalay kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yidhi; “Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysannaa oo Ciidanka Soomaalida ay la qaadeen Ciidammada aan saaxiibbada nahay (Maraykanka) agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).” Cali-Jabal, ayaa muddo ahaa Wakiilka Kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho, isaga oo marar badanna kasoo muuqan jiray Warbaahinta.

Hase-yeeshee, illaa hadda ma jiro War dhinaca Malleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxay oo caddaynaya ama beeninaya Sarkaalkaas Maraykanka iyo Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee Dalka Soomaaliya sheegeen inay ka dileen, balse marar badan ayey Diyaarado Maraykanku leeyihiin oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Darooniska (Drown) loo yaqaan ahi duqaymo ay Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan iyo Hoggaamiyeyaal sarsare kaga dileen gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, tan iyo markii Argaggixisada loo aqoonsaday Al-Shabaab 2008-dii.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.