Daawo Sida Allay-baday loogu Soo Dhaweeyey Weftiga Xisbiga Waddani iyo Khudbad Musharrax Cirro ka jeediyey

Allaybaday(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Xisbigaas ka tirsan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Allay-baday iyo deegaanno hoos taga oo ay Safar ku mareen gelinkii hore ee Isniinta Maanta.

Musharrax Cirro, ayaa soo dhawayntaas ka dib Khudbad u jeediyey Dadka reer Allaybaday, taasoo uu kaga hadlay arrimo kala duwan, isla markaana waxa uu sheegay inaanay cabbudhinta ay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku hayaan Bulshada Reer Allay-baday iyo Bulshada deegaanno iyo gobollo kale oo Somaliland ka tirsan dhibaato ku noqon doonin shucuurta Shacabka ee ay sii kordhin doonto shucuurtooda iyo dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Soo-dhawayntaas Weftiga Cirro kala kulmay Allay-baday iyo Khudbadda uu ka jeediyey oo dhinacyo kala duwan taabanaysay, kuna faahfaahiyey hadafka iyo higsiga Xisbiga Waddani ee hoggaaminta waddanka iyo qaabka uu u rabo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.