Golaha Guurtida oo Ku Fashilmay inuu Ergo Nabadeed u diro Ceel-afweyn iyo Guddoomiyaha oo ka hadlay Hakad 2-aad

GUDDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO SI DADBAN U CADDEEYEY FASHIL SOO FOODSAARAY INAY U BAXAAN CEEL-AFWEYN 31 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa markii labaad shaaciyey in Hakad ku yimi Ergo-nabadeed oo Goluhu iska xulay, si ay uga hawlgalaan nabadaynta Beelaha ku diriray deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO SI DADBAN U CADDEEYEY FASHIL SOO FOODSAARAY INAY U BAXAAN CEEL-AFWEYN 31 JULY 2017

Fadhigii Isniinta Maanta uu yeeshay Golaha Guurtida, ayuu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay sheegay in ay Xildhibaannada hawlaha loo diray Sabtida isugu soo noqon doonaan Golahaas, halka kuwa aan shaqada loo dirin ama hawl loo xil-saarini fasax Salaasadda Berri ka bilaabmi doona geli doonaan, la isuna soo noqon doono Tobanka Bisha Sagaalaad ee Caawa koowda noqonaysa.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo aan weli si rasmi ah u sheegin sababta hakadka ku keenaysa kolba Ergada Xildhibaannada ah ee ka kooban 13 Xubnood oo Sabtidii toddobaadkii hore Shirguddoonku u xulay xallinta shaqaaqada dhimashada 7 Ruux iyo Dhaawaca 20 kale sababtay ee Ceel-afweyn ku dhex-martay laba Beelood oo wada dega, balse waa markii labaad ee hakad ku yimaaddo Safarka Ergadaas oo uu hore u sheegay inaanay Guurtidu u bixi doonin illaa dawladdu gacan adag ku qabato nabadgelyada.

Haddaba, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ka hadlaya arrimahaas hakadka cusub, Xubnaha tegi doona iyo Fasaxa Goluhu galayo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.