Qodobbo laysku mariwaayey oo lagaga hadlay Kulan dhex-maray Guddiga Doorashooyinka, Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda

KULAN DHEX-MARAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA, MADAXDA SADDEXDA XISBI IYO XUKUUMADDA SOMALILAND 2017 PHOTO FILE

Codsigii Xukuumadda Ee Dibu Dhigista Kaadh-Qaybinta Sool Iyo Sanaag, Kaabiddii UCID, Jawaabtii Komishanka Iyo Dooddii Kulmiye Iyo Waddani 

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka, Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa kulan ay  yeesheen Sabtidii gelinkii dambe socdayna illaa todobaddii fiidnimo ee Habeen-hore kaga wadahadlay ajande la xidhiidhay guud ahaan sugidda ammaanka goobaha Kaadh-qaadashada ee gobollada Sanaag iyo Sool oo ay ka bilaabmayso Kaadh-qaybintu 12 August, 2017, gaar ahaan goobaha deegaannada Ceel-Afwayn ee dirirta soo noqnoqotay ku dhex martay Beelaha Walaalaha ah ee halkaa wada dega.

KULAN DHEX-MARAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA, MADAXDA SADDEXDA XISBI IYO XUKUUMADDA SOMALILAND 2017 PHOTO FILE

Sida ay sheegeen xogo uu Wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo u dhuun daloolay madashaasi, kulankaa oo uu Komishanku qabanqaabiyay waxa ka qayb galay Madaxda sare ee saddexda Xisbi iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, isla markaana wuxuu Komishanku u bandhigay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sugitaanka amniga sagaal goobood oo ku yaalla deegaannada shaqaaqadu ku soo noqnoqotay iyo guud ahaan amniga guud ee goobaha kaadh qaybinta ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Xoguhu waxay intaa ku dareen, in Wasiiradda xukuumadda ee shirkaa ka qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Arrimaha Gudaha Yaasiin Faratoon, ay dalbadeen in dib loo dhigo Kaadh-qaybinta gobolladaa muddo toban maalmood ah, si muddadaa loo soo afjaro shaqaaqada ka taagan deegaanada Ceel Afwayn.

Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa la sheegay inuu halkaa ka dhiibtay, dood uu ku adkaynayay dalabkaa, hase ahaatee Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in aan waqti dambe la lumin karin oo aanay suuragal ahayn taasi, balse loo baahan yahay uun sugitaanka amniga sagaal goobood oo jiiddaa ku yaal.

Hase-yeeshee geesta kale, Xisbiga Kulmiye oo ay halkaa ka fadhiyeen Muuse Biixi, Xasan Gaafaadhi iyo Xubno kale iyo Xisbiga Waddani oo ay shirkaa ka fadhiyeen Cabdiraxmaan-Cirro, Xirsi, Uurcadde iyo Xubno kale, ayaa siday xoguhu sheegeen isku aragti ka noqday codsigaa dib-u-dhigista, isla markaana ka sheegay halkaa in sidaa Komishanku sheegay  aanay jirin sabab dib loogu dhigaa kaadh qaybinta gobolladaas, balse loo baahan yahay in Xukuumaddu ka soo baxdo sugitaanka amniga goobahaa, lana soo afjaro shaqaaqada jiiddaa. Gunaanadkii kulankaana siday xoguhu iftiimiyeen waxa layskula qaatay in lagu socdo sidii qorshuhu ahaa, gobolladaana kaadh-qaybinta laga bilaabo xilligii horeba u degsanaa ee loogu talogalay oo ah 12.August 2017. 

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.