Xukuumadda Somaliland oo Go’aan adag ka soo saartay Kaniisadda Hargeysa laga Furay oo Bulshadu ka Qaylisay

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aan cad ka soo saartay furista Kaniisad Hargeysa hore uga dhisnayd oo la furay, isla markaana faahfaahisay waxa uu Dastuurka dalku ka qabo furista goobo ay leeyihiin Dadka Kiristaanka ah iyo faafinta Diimaha kale ee aan Islaamka ahayn.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND SHEEKH KHALIIL CABDILLAAHI AXMED 2017

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Warbaahinta qaar u akhriyey maanta go’aan rasmi ah oo ay Wasaaradda Diinta oo dalka uga masuul ah arrimaha Diinta ka soo saartay Kaniisaddaas oo ay Xukuumadda iyo Wasaarad ahaanba hore u ugu oggolaadeen Dadka haysta Mahdabta Kaataliga ee Somaliland jooga.

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo arrimahaas iyo go’aanka kama dambaysta ah ee Dawladda iyo weliba Haweenayda lagu ogaaday Hadal ay ka jeedisay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay oo ay ku sheegtay inay ku guulaystay Furista Kaniisaddaas oo 30-kii sano ee u dambeeyey xidhnayd, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose Warka Wasiiirka ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.