Somaliland: Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha oo ka Digay Koox uu Sheegay inay Go’aamada Xasaasiga ah ee Qaranka Xuurtaysatay

WASIIRKII XIDHIIDHKA GOLAYAASHA SOMALILAND OO SHEEEGAY IN DALKA KOOXAYSI IYO QARAABO-KIIL KA SOCDO 30 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa shaaciyey inaanay Somaliland ku sii socon karin ku dhaqanka Qabyaaladda, Qaraabo-kiilka, Kooxaysiga iyo inay go’aammada xasaasiga ah ee dalka Kooxyari keligeed gaadho, waxaanu sheegay inuu Wasiirka lagu beddelay Axmed Xaaji Daahir Cilmi ku soo dhawaynayo Riwaayad dhammaad ah oo laga sii dareerayo.

WASIIRKII XIDHIIDHKA GOLAYAASHA SOMALILAND OO SHEEEGAY IN DALKA KOOXAYSI IYO QARAABO-KIIL KA SOCDO 30 JULY 2017

Cali Xaamud Jibriil oo hadal ka jeediyey Xaflad uu xilka toddobaadkii hore laga qaaday ku wareejiyey oo Axaddii Maanta lagu qabtay Hargeysa, taas oo uu Wasiirka Cusubina xilka kaga tirsaday, hadalkiisaana waxa uu Cali wax kaga iftiiimyey nidaamka maamul ee dalka hadda ka socda, sida uu Heshiisyada Qarankan lagu dhisay, Dastuurka dalka iyo ujeedkii Somaliland uga go’day Soomaaliya ka hor-imanaya oo uu tilmaamay inay Koox gaar ah oo dano gaar ah lihi wadato.

Sidoo kale, Cali Xaamud Jibriil waxa uu sheegay in uu Xisbiga Kulmiye ka mid noqday markii la Bariga magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu aasaasay 2003-dii, isla markaana uu ka mid ahaa 14-kii Xubnood ee ugu horreeyey ee lagu bilaabay Xisbigaas, illaa markaasna uu Kulmiye ahaa, ahaan doonana, waxaanu yidhi; “Waxaan maanta la iga waaninahayn oo in la iisheego aanay ahayn madbi’ii aan Madaxweynahayga ku raacay oo ay Maanta inta halkan fadhida oo UDUB ahayd-ba soo galeen aad baan ugu faraxsanahay.”

“In Maanta aad mabda’aygii soo gashaan oo aad iigu timaaddaan Madaxweynihii aan dhisayey ee aad shalay caayayseen ee weerarayseen in aad maanta iigu timaaddeen idinkoon badhkiinna Kiniinno liqin, mar haddaad iigu timaaddeen maalin aan ka farxad badanahay ma jirto, Anigu meelna uma dhaqaaqin ee halkaygii baan joogaa, waanan joogi jiray, waanan joogi doonaa, idinkana waxaan idinku waaninayaa inaydaan Kulmiye ka leexan.” sidaa ayuu yidhi Cali Xaamud.

Khudbadda uu ka jeediyey Cali Xaamud Jibriil Xafladdaa uu xilka ku wareejiyey oo dhammaystiran iyo dhinacyada uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.