Xisbiga Waddani Muxuu ka yidhi Eedayn uu Musharraxa Kulmiye Ku Weeraray Musharrax Cirro?

AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI XILDHIBAAN IBRAAHIN MAHDI BUUBAA OO MUUSE BIIXI SI KULUL UGU JAWAABAY 30 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa ka jawaabay eedayn uu Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku duray Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

 

AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI XILDHIBAAN IBRAAHIN MAHDI BUUBAA OO MUUSE BIIXI SI KULUL UGU JAWAABAY 30 JULY 2017

Guddoomiyaha Kulmiye ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Sabtidii shalay Munaasibad lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Somaliland ee 2017-ka illaa 2021-ka, kaas oo aanay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cirro iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ka qaybgelin,isla markaana uu Muuse sheegay inuu is-weydiinayo inay sababta uu Cirro uga baaqday Xafladdaas.

“Shirkan saddex Nin baa innaga maqan oo heer Qaran ah oo ay ahayd inay ka qayb-galaan Xafladaha tan oo kale ah ee Qaran ay ahayd inay joogaan. Ka koowaad waa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada, ka labaad waa Guddoomiyihii Xisbiga Waddani, ka saddexaadna waa Musharrixii Xisbiga Waddani, saddexdaas Nin waxaynu u baahnayn Shirkan Qaran inay joogaan, mana garanayo iyagoo magaalada jooga waxay uga maqnaadeen Xafladdan heerka Qaran ah.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay inay u arkaan Masiibo hadalka ka soo yeedhay Muuse Biixi, isla markaana ay caddaynta eedayntaas uga fadhiyaan, waxaanu sheegay in Sababta ay uga maqnaadeen Cirro iyo Masuuliyiinta kale ee Waddani tahay Baratakool-xumo Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye kula dhaqmaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa Madaxweynaha Waddani Md. Cirro.

Hadalka Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa kaga jawaabay eedaynta Muuse Biixi, oo uu Afhayeenku kaga hadlay War uu siiyey Maanta Saab TV isagoo ku sugan Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.