Tirada Dadka Ku Dhintay iyo Kuwa Ku Dhaawacmay Qarax ka Dhacay Muqdisho & Wasaaradda Amniga oo ka hadashay + Sawirro

QARAX KA DHACAY MUQDISHO 30 JULY 2017 OO DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY

Muqdisho(Aftahannews):-  Ugu yaraan Shan Ruux, ayaa ku dhintay, Toban kalena way ku dhaawacmeen Qarax Maanta ka dhacay Jidka Maka Al-Mukarama oo ka tirsan degmada Waabberi ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu Afhayeenka Wasaaradda Amnigu sheegay.

QARAX KA DHACAY MUQDISHO 30 JULY 2017 OO DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY

Hase-yeeshee, Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa baahisay in 1o Qof ku dhinteen, 15 Ruuxna ku dhaawacmeen Qaraxaas, iyadoo soo xiganaysa Goob-joogayaal arkayey Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay Qaraxaas. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay badankooda oo Shacab ah, ayaa marayey Gaadiid Waddada isaga gooshayey marka qaraxu dhacay, kuwaas oo Cusbitaallada loola kala yaacay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Carab, ayaa Saxaafadda la hadlay, isla markaana sheegay inay Shan (5) Qof ku dhinteen, Toban (10) kalena ku dhaawacmeen Qaraxaas oo lagu fuliyey ama loo adeegsaday Gaadhi waxlaha qarxa laga soo buuxiyey, kaas oo ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska degmadda Waabberi iyo Huteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Waxa la xidhay Jidadka isugu yimaadda degmadaas badankooda oo Ciidammada Ammaanku si deg-deg ah u xidheen markii qaraxu dhacay ka dib, iyadoo goobtaas uu Qaraxu ka dhacay ahayd Jid isu-socodka Dadka iyo Gaadiidku ku badan yihiin, isla markaana Dadka qaarkood Meheradaha hareeraha Jidkaas ka dukaamaysanayeen, halka ay qaar kale Makhaayadaha Bunka iyo Shaaha laga cabbo ku sugnaayeen, kuwo kalena Baabuur iyo Gaadiidka Bajaajta ama Tigta loo yaqaan ku marayeen Waddadaas, kuwaas oo la sheegay inay yihiin kuwa dhibta ugu badan ee dhimashada iyo dhaawacyadu ka soo gaadheen Qaraxaas, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Carab.

Dad goob-joogayaal ah, ayaa sheegay in Gawaadhi yar-yar iyo Mootooyin ay ku bur-bureen goobta Qaraxu ka dhacay. Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxaas, balse Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa ku eedeeyey weerarkaas inay fuliyeen Malleeshiyada Al-Shabaab oo uu sheegay inay Cadaw ku yihiin nabadda, horumarka iyo Nolosha Bulshada Soomaaliyeed, waxa uu yidhi; “Waad aragtaan Waddada Dad Shacab ah baa marayey oo ku sugnaa, Wasiir ma joogin, Madaxweyne ma joogin, Raysal-wasaarena ma joogin iyo Cid dawladda ka tirsan oo ay bartilmaameedsadaan, balse waxa cad inay Al-Shabaab tahay Cadawgu Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyo nabaddooda.”

Waxa uu Qaraxan Maanta oo Axad ahayd ka dhacay Caasimadda Muqdisho ku soo beegmayaa xilli uu Sabtidii shalay Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre sheegay inaan muddo bil ah wax qarax ahi ka dhicin Muqdisho, mar uu shalay booqday Xerada ay ku jiraan Ciidanka Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaanu sheegay in sababta koobaad ee suuragelisay in aan Muqdisho bil gudeheed qarax ka dhicin ay yihiin Ciidanka xasilinta Muqdisho.

“Sababta aan idin ku imid waa in aan idin ka tacsiyadeeyo dhibkii idinku dhacay oo aan idin sheego sababta hal bil in ka badan uu Qarax uga dhici waayay Muqdisho, in ay tahay shaqada wanaagsan ee ammaanka ee aad qabateen.” Sidaa ayuu yidhi Sabtidii shalay Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre oo la hadlayey Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo Iska-hor-imaadyo maalma ka hor ku dhexmareen Muqdisho Ciidammo dawladda ka tirsan iyo Shacab hubaysnaa oo ka soo horjeeda hab-dhaqankooda, isku-dhacyadaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dhinac walba leh, balse u badan Askarta xasilinta, sida Warbaahintu faafisay toddobaadkii hore markii rabshadahaasi ka dhaceen Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia/Office.