“Hadday Kaniisaddu dhisantay inaynu Duminno ama Xidhno Shareecadu ma dhigayso, waannu oggolaannay..” Wasiirka Diinta ee Somaliland

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO SHAACIYEY QAABKA KANIISADDA HARGEYSA LAGA FURAY XUKUUMADDA SOMALILAND KU OGGOLAATAY 30 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa jawaab faahfaahsan markii u horreysay ka bixiyey Kaniisad Hargeysa ku taalla oo dib loo furay, markii casriyeyn lagu sameeyey dhismeheeda ka dib, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu si rasmi ah ugu oggolaatay furista Kaniisaddaa Mahdabta Kaataliga.

WASIIRKA DIINTA IYO AWQAAFTA SOMALILAND OO SHAACIYEY QAABKA KANIISADDA HARGEYSA LAGA FURAY XUKUUMADDA KU OGGOLAATAY 30 JULY 2017

Munaasibad lagu soo gebogabeeyey Masjidka Al-HUDA ee magaalada Hargeysa oo lagu soo gebo-gabeeyey Kutub uu Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir muddo waday xalay, ayey Wasiirka Diinta iyo Culimada badani ka qaybgaleen, waxa uu Sheekh Xasan Cabdisalaan oo Culimada Hargeysa ka tirsani weydiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Warka Kaniisaddaas la xidhiidha, ayuu Wasiirku sheegay inaanay Diinta Islaamku diiddanayn Kaniisadda ama goobaha ay Dadka Ehlu-kitaabka ah ee aan Islaamka ahayni ku ciibaadaysan karaan.

Wasiir Khaliil waxa uu sheegay in Axkaam badan ay wadaagaan ama ay isku xidhaan Islaamka iyo Ehlu-Kitaabka Mahdabta Kaataliga. “Waxa Jira Kaniisado Ingiriiski ka tegay, midi way dunsan tahay midina way dhisan tahay oo way taagan tahay, Dad baana gacanta ku hayey, kuna hayey Mahdabta Kaataliga la yidhaahdo ee Isticmaarki ka tegay, waanay dhisan tahay, mar hadday Kaniisaddu dhisan tahayna inaynu innagu intaynu u tagno aynu Kaniisaddaa duminno ama aynu albaabbada u xidhno Diintu innoo bannayn mayso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu intaas ku ladhay; “Waxa soo kordhay waxa weeye Dadkii meelahaa ku dhuumaalaysanayey, ama Shaqadooda dhexdooda ku cibaadaysanayey waxay iyagu u yaqaannaan, waa Ehlu-kitaabba oo maba inkiraynee, waxay yidhaahdeen, waxaannu u baahannahay meel aannu ku cibaadaysanno oo iyaga u gaar ah oo aan Innaga inna khusayn.”

“Markaa, waxay Maslaxaddu noqotay in la koobo oo Kaniisaddoodaasi ay u shaqayso Dadkaas Ehlu-kitaabka ah ee Martida innagu ah ama shaqaale ha noqdaan ama dad innoo yimi ha noqdaane, innaguna aynu halkaas gaadh kaga hayno, ciddii ku soo korodha ee Innaga ahna aynu shaqo ka qabsanno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Waxaannu qaabka ay u dhacday Su’aasha uu Sheekh Xasan Cabdisalaan weydiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Jawaabta uu ka bixiyey Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.