Guddoomiya UCID Oo Fashil Ku Sheegay Qorshayntii 2012, Ta Cusub-na Ka Dayriyey iyo Difaacii Muuse Biixi

FAYSAL CALI WARAABE OO KASHIFAY FASHILKA QORSHAHA QARANKA IYO MUUSE BIIXI OO DIFAACAY 30 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Shaaca ka qaaday inuu Saaqiday Qorshihii koowaad ee Qaranka Somaliland ee Xukuumadda Siilaanyo dejisay 2012-kii, isla markaana uu Qorshaha labaad ee Qaran ee 5-ta sano ee soo socda oo Maanta la soo bandhigayna yahay mid wakhtigiisii soo dhaafay oo ay muuqato inaanu hirgelaynin. Hase-yeeshee, waxaa iftiiminta Faysal gaashaanka ku dhuftay Dhiggiisa Xisbil-xaakimka Muuse Biixi Cabdi.

FAYSAL CALI WARAABE OO KASHIFAY FASHILKA QORSHAHA QARANKA IYO MUUSE BIIXI OO DIFAACAY 30 JULY 2017

Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi oo ka qaybgalay Xaflad maanta loo sameeyey bandhigga Qorshaha labaad ee Qaranka Somaliland ee shanta sano ee soo socda, ayaa Munaasibaddaas oo ay Madaxweynaha iyo Madax kale ka qaybgaleen oo lagu qabtay Huteel Ambassador, waxay ka jeediyeen hadallo isku lid ah.

Waxaanu Faysal si cilmiyan ah u sharraxay fashil uu sheegay inuu soo food-saaray qorshaha koowaad ee shantii sano ee tegay iyo gal-daloolooyinka ka muuqda kan shalay la soo bandhigay oo uu tilmaamay inuu laba sano dib uga dhacay waqtigii ay ahayd in lagu hawlgalo. Balse, Musharrax Muuse Biixi ayaa difaacay Xukuumadda, isla markaana ku dooday inuu najaxay qorshaha hore, kanina yahay Qorshe Qaran oo dhammaystiran.

“Aad baan ugu mahad-naqayaa, Wasaaradda Qorshaynta iyo intii kala shaqaysay ee soo samaysay Qorshahan Qaranka ee labaad ee inna hor-yaalla maanta (Shalay). Qorshahani waa Qorshihii Qaran ee labaad ee Somaliland samaysatay, waxa halkaas ka muuqata kii hore Warbixinta la inna siiyey 2012-kii illaa 2016-kii, waxaanu innoo sheegay Wasiirka hore ee Qorshayntu in Lacag illaa Lixdan Milyan (oo Doollar ah) lagu hirgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland, taasi waxay inna tusaysaa in wixii loo hayey Dhaqaale iyo wixii la qoray aanay isku qiyaasnayn.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Sannadkii waxa ku soo galaya toddoba Malyan iyo Badh shanta sannadood, haddaan Dunida sheegana waxa laga yaabaa in Toban Milyan ku dartaa laga yaabaa mararka qaar. Markaa, waxaannu u aragnaa Qorshaha Shan sannadoodkii hore inuu Saaqiday oo aanu hirgelin. Markaan, kan u nimaadno, waxa muuqata laba sannadood inuu dib u dhacay, waxay ahayd inuu noqdo 2016-kii illaa 2021-ka, hadda waxaynu galaynaa 2018-ka, markaa halkaa waad aragtaan in laba sano ay inna dhaafeen oo saddex sano innoo hadhay, halkaasna waxaa ka muuqata inaan la hirgelinayn Qorshahan la sameeyey.”

Faysal Cali Waraabe oo sharraxayey qabyada Qorshahan labaad ee Qaranka Somaliland ee shalay la soo bandhigay ka muuqda, waxa uu yidhi; “Sida uu sheegay Mukhtaar waa markii u horreysay Taariikhdeenna ee ay Dadka magaalooyinka soo galayaa ka badanayaan Dadkii hore u degganaa, halkanna kama muuqato Qorshe Qaran oo muujinaya Dadka soo guuray ee magaalooyinka soo degaya sidii loo kala dejin lahaa. Markaa, waxa muuqata inaanu Qorshahani ahayn Qorshe marka loo eego Xaaladda iyo Hay’adaha innoo dhisan, Hay’ado hirgelin kara maaha. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay oo wuxuu yidhi; ‘waa in Hay’adihii hirgelin lahaa Qorshahan la sameeyaa.’ Markaa, Maanta Hay’adaha innoo dhisan waxaad aragtaan inay kuwo aad u hooseeya yihiin oo dhismihii Hay’adaha dawliga ah ee aynu wadnay hoos u dhaceen oo halkii hore hoos uga dhaqaaqeen.”

“Markaa, Annagu haddaannu nahay Dadka soo socda Insha Allaahu tacaalaa, waxan waannu beddelaynaa haddii Illaahay yidhaahdo oo nidaam fiican oo Maamul oo Dhaqaale ayaannu samayn doonnaa oo ay ugu horreyso in Lixdankan Wasaaradood la yareeyo. Markaa, Annagu Qorshahayagii ayaannu haysannaa ee Kani waa Kii Kulmiye.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Shirkaas ka hadlay, ayaa naqdiyey Hadalka Faysal Cali Waraabe iyo mawqifkiisa oo uu sheegay inuu ka soo horjeedo, waxaanu soo dhaweeyey Qorshaha la soo bandhigay, waxaanu yidhi; “Waxaan hambalyeynayaa Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynuhu, Wasaaradda Qorsheynta oo hawshan u gaar ah iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda Qorshaynta sida fiican ee ay u soo diyaariyeen, una soo bandhigeen Qorsha Qaranka ee shanta sano ee soo socda. Intaas ka dib maka leexanayo jidka iyo ujeeddada loo qabtay Xafladdan oo ah in Heer Qaran lagaga hadlo, u gudbi maayo inaan halkan ka sameeyo borobagaando siyaasadeed oo Xisbiyada dhexdooda ah.”

Muuse Biixi oo hadalka Faysal Jara-raacayaa, waxa uu yidhi; “Waxaan aad uga duwanahay Faysal Cali Waraabe oo yidhi; ‘Qorshihii hore wuu Saaqiday’ kuma raacsani, taariikhdaana ka marag ah in Boorigiraamkii (qorshihii) hore hirgelay. Waxa kale oo aan u saxayaa Faysal inuu Qorshahani yahay mid Qaran oo Kayd Qaran ah oo Xisbi kasta oo talada qabta iyo Cid kasta oo ka dambaysaaba ay u aayi doonto. Balse, haddii aad hayso mid ka fiican waxa wanaagsan Xafladdan oo kale inaad soo bandhigto oo aanad hoos u haysan. Qodobbada kale ee taataabashada Dawladda iyo Xisbiga Xukuumiga ahi waa inay u dul-qaataan wixii la yidhaahdo oo ka daba-tegi maayo.”

Waxa uu Muuse sharraxay qodobbo haddii la odhan lahaa ku darso Qorshaha 5-ta sano uu ku kaabi lahaa, waxaanu yidhi; “Haddii Qorshahan la yidhaahdo laba qodob ka dooro oo kuwee ugu mudan ee aan hirgelinnaa ah; waxaan adkayn lahaa qodobka nabadgelyada oo ballaadhan, waayo? Haddii aad Reer ama Hanti aad meel dhigayso oo Maatida, Maxasta iyo Xoolaha aad meel dhigayso, waa inaad aad u ilaalisaa nabadgelyadooda oo hadday Miyi tahayna aad Bawdka sare adkaysaa, hadday Magaalada tahayna Derbiga u adkaysaa. Markaa, qorshahani si uu u hirgelo wuxuu u baahan yahay in nabadgelyada Qaranka gudo iyo dibed-ba aad loo adkeeyo, gaar ahaan inaynu xoog uga digtoonaanno oo aynu xoogga saarno cidda qudha ee Adduunka ka soo horjeedda Qarannimada Somaliland oo ah Dawladda Xamar ka dhisan. Haddii la odhan lahaa qodob kale ku darna, waxaan xoojin lahaa Qodobka Cimilada is-beddelkeeda, waayo? Waxa hubaal ah in cimiladaynu ku noolayn is-beddeshay, inaynu wada hubno inay Abaaruhu soo noqnoqonayaan, inaynu hubno in biyo yaraantu innagu soo badanayso, sidaa daraaddeed meel aan Baad, Biyo iyo Xoolo jirini waa dhibaatee, si aynu taa uga badbaadno qodobkaana xoogga labaad baan saari lahaa.”

“Laba arrimoodna waan is-weydiinayaa, ka hore waxa weeye, Shirkan saddex Nin baa innaga maqan oo heer Qaran ah oo ay ahayd inay ka qayb-galaan Xafladaha tan oo kale ah ee Qaran ay ahayd inay joogaan. Ka koowaad waa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada, ka labaad waa Guddoomiyihii Xisbiga Waddani, ka saddexaadna waa Musharrixii Xisbiga Waddani, saddexdaas Nin waxaynu u baahnayn Shirkan Qaran inay joogaan, mana garanayo iyagoo magaalada jooga waxay uga maqnaadeen Xafladdan heerka Qaran ah. Arrinta labaadna waxa weeye markii Heesta Calanka la qaadayey Qof baa fadhiyey (Xafladda) oo aan u kicin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye Musharrax Muuse Biixi.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.