Ogaal: Somaliland iyo 7 Sano: “Madaxweynuhu Ma Taliyo ee…! Maahee Isagaa Taliya…!” Warbixin

SIILAANYO IYO SAYLICI

Xaaladda Madaxweynaha, Baaqyada Xilwareejinta, Ducadda Dadka, Qamuunyada Saylici, Afarta Wasiir Iyo Qorshaha Wadaaga Taladda      

Hargeysa(Aftahannews):- “Madaxweyne Siilaanyo waxaan kula talinayaa oo aan leeyahay;  labada bilood ee hadhay, xil ma gudan karayside Saylici ha gaadhsiiyo doorashada’e waa in aad umadda ka hor dhaqaaqdo” weedhahaasi waxay qayb ka ahaayeen hadal uu warbaahinta siiyay Xil. Siciid Cartan oo ka mid ah xubnaha Golaha Wakiiladda, isla markaana hadalkan ka hor ka mid ahaa Xildhibaanadda muxaafidka ah ee lagu tiriyo kuwa aadka ugu dhawdhaw Madaxtooyadda. Mawduucaa iyo arrimaha kale ee la olloga ah waxa warbixintan ka diyaariyay Tifaftirka Wargeyska Ogaal.

SIILAANYO IYO SAYLICI

Hadalkan Xildhibaanka oo jawaabo badan laga bixiyay wuxuu xambaarsanaa dhaliilo culus oo u jeediyay qoyska madaxtooyada, waxaana qayb ka ahaa xil gudashada Madaxweynaha oo uu ka dayriyay, uguna baaqay inuu iscasilo oo uu xilka ku wareejiyo Madaxweyne Xigeenka muddada hadhay si uu dalka doorashada ugu simo. Hadalkaa xildhibaan Cartan ka sokow, Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolajiyadda Cali Xaamud oo dhawaan xilkaa laga qaaday, lana filayo inuu maanta xilkaa wareejiyo weedho kooban oo uu siiyay Telefishanka HCTV ku sheegay, in aan Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaadin ee cid kale ka qaaday.

“Xil ka qaadistaydu Madaxweynaha kamay iman, meel kale ayay ka timi, laakiin waan ku faraxsanahay, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waanan ka nasanayaa, Madaxweynaha aan la soo shaqeeyayna waan u mahadnaqayaa, wixii dareen ah iyo wixii kalena berri(maanta) baan xilka wareejinayaa oo aan kaga hadlayaa” sidaas ayuu yidhi Cali Xaamud Wasiirka xilka wareejinaya oo xilkaa laga qaaday xilli uu dalka ka maqnaa Madaxweyne Xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo lagu tiriyaa. Maaha masuulkii koowaad ee xilka laga qaado ee yidhaahda Madaxweynuhu xilka ka qaadistayda ma ogayn.

 Dhawaaqyadani waxay ku soo beegmeen xilli hadal haynta ka dayrinta caafimaadka Madaxweynuhu isa soo tarayso, isla markaana la werinayo tibaaxo tilmaamaya in Madaxweynaha caafimaad ahaan loogu qaadayo dalka Jarmalka. Inkastoo aanuu war amuurtaa la xidhiidhaa si toos ah uga soo bixin hay’adaha ay khusayso, haddana waxa maalmahanba laysla dhexmarayay xoggo sheegaya, in Madaxweynuhu safar caafimaad ugu baxayo Jarmalka dhawaan, hadduu tagona uu waqti  qaadanayo,  balse marka hore la filayo inuu tago  Imaaraadka Carabta.

Halkaas oo Madaxweyne Siilaanyo ka hor intaanuu ku soo laaban  Hargeysa 14 Julay, uu muddo hawlo caafimaadkiisa loo sibirsaaray ku joogay, haatanna siday tibaaxuhu tusmeeyeen furre u ah tegista iyo  ka baaqashada Jarmalka labadaba. Safarkii hore ee dalka Imaaraadka Carabta oo qaatay sadex afar todobaad intuu Madaxweynuhu ku joogay halkaa, waxa soo baxay warar ka dayrinayay xaaladda caafimaadkiisa, isla markaana xambaarsanaa tibaaxo tilmaamayay inay suuragal noqon karto inuu Madaxweyne Ku Xigeenka taladda ku wareejiyo. Xogahaas oo illaha ay ka soo baxayeen la tuhunsan yahay in aanay ka  madhnay xubno dawladda ka tirsan kadib, Madaxweynuhu wuxuu hawada u soo mariyay shacabka erayo kooban oo uu ku sheegay inuu caafimaad qabo dalkana ku soo laabanayo.

Hase yeeshee mar kale ayay haatan soo kordhaysaa hadal haynta taladda dalku, isla markaana warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay, in uu jiro khilaaf amuurtaa la xidhiidha oo u dhexeeya Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Madaxtooyada. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in erigii iyo xil ka qaadistii Cali Xaamud oo Saylici garabkiisa ahaa lafteedu ay la xidhiidho, iswaafajinta safarkaa la saadaalinayo ee Jarmalka iyo  gacanta ku haynta taladda dalka. Xogahaasi waxay intaa ku ladheen, in Madaxweyne Ku xigeenku danaynayo in xilka muddada hadhay isaga lagu wareejiyo, haddii Madaxweynuhu dalka ka maqnaanayo wax ka badan muddada dastuurku jiddeeyay,  muujinta iyo bandhiga amuurtaasina  tahay ta loo tirinayo inay galaafatay Wasiir Cali xaamud.

Geesta kale waxa soo duulay tuhun kaa ka duwan oo hadalhayntiisu tilmaamayso, jiritaanaka male ama humaag arrintaa la xidhiidha oo Madaxtooyadu ku rogrogayso qorshe dhan ka ah Madaxweyne ku xigeenka. Kaasoo dardaar werintiisu tebinayso in aan Saylici keligii tallada lagu wareejin karin,  bedelkiisuna u dhacayo in lala wadaajiyo Wasiiro lagu tilmaamo kuwa ugu awoodda badan, hadday run noqoto in Madaxweynuhu dalka Jarmalka u tago caafimaad waqti qaadanaya. Maqalka xogahaa ka sokow ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay cidda ay khusayso oo ka hadlaya  arrimahaa, qaar beeninaya mooyee, hase ahaatee waxay markhaati u haystaan dhawaaqyadan ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Xildhibaan Cartan iyo Wasiir Cali Xaamud oo xoojiyay  shakiga xaaladda taladda iyo wararkaa ra’yul caamka iyo baraha bulshada ku wareegaya.                   

 Todoba sano oo haatan buuxsamay xil haynta Madaxweyne Siilaanyo ma hadal la’ayn. “Madaxweynaha awooddii iyo taladdii gacanta uguma jirto…. Awooddii waxay gacanta u gashay dad aan loo dooran….. Dalka Xirsi baa xukuma….Maxamuud Xaashi baa xukuma…Baashe Cawil baa xukuma….qoyskaa awooddii Madaxweynaha isticmaala…. ” Ka geyoon mayno tiradda hadaladda kuwaa la macnaha ah ee sebenkaa buuxsamay warbaahintu tebisay. Cid kasta oo tidhiba weedhahaa iyo kuwa la midka ah ee ilaa eegga socdaa waxay daarranaayeen/ daaran yihinn, Madaxweyne Siilaanyo awood ahaan in aanuu gudan karayn waajibaadka xilka loo doortay, taasina waa ta sababtay in loo aanneeyo taladda dalka mid gacmo kale gashay.

Dardaar werin kastaa jawaabteeday lahayd oo Madaxtooyaddu way ka hadal celinaysay, beeninaysay, isla markaana cambaaraynaysay/ cambaaraynaysaa cidda hadal noocaas ahi ka soo yeedho. Marba heer ay joogtayba wax ka sheega xaaladdaa iyo jawaabta Madaxtooyadu waa isku lamaanaayeen. Tirsiimaddaa dhiilkeedu buuxsamayba badi, “Ma taliyo iyo waa taliyaa baa laysla hor taagnaa/taaganyay”. 

Laakiin, Somaliland hadal mooyee marna baadhis, xeer iyo sharci ku salaysan  umay marin hadal hayntan sanadaha socota si xaqiiqda loo sugo. Haddii laysku deyi lahaanna malaha ma suuragasheen. “Somaliland waxa la doortaa Madaxweyne, kaasaa dabadeed siduu doono ka yeela dalka iyo dadka. Hadaanay sidaa ahayn maanta qaar ka sokeeyaa siday doonaan kamay yeelleen umadda, boobka hantida umaduna isugu faan ma noqdeen” sidaa waxa qaba Guuleed Saleebaan oo ka mid ah dadka dhaliilsan sida wax u socdaan, isla markaana maaha aragti madi ah ee waa mid dad badan oo waxa socda wax ka yidhi rumaysan yihiin.  

 Gunaanadkii; si kastoo wax uga jiraanba arrimahaa, waxay hadal haynta dadka dhexdiisa ee eegga taagan ee  mawduucan la xidhiidhaa u badan tahay, duco ay ugu ducaynayaan  Madaxweynaha, in Ilaahay ku simo millayga doorashada oo waqti yari ka hadhay, si uu xilka ugu wareejiyo madaxweynaha la doorto. Waxa kale oo taa ku ladhan oo ay ka rajaynayaan doorasho loo siman yahay, oo uu dhex ka yahay inay dalka ka dhacdo, isla markaana aragti ahaan waxay badi ka siman yihiin, werwer ay ka qabaan sida xaaladdu noqon karto haddii Madaxweynuhu meesha ka baxo doorashada ka hor 

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.