“Xil-ka-qaadistaydu Madaxweynaha Kamay Iman ee Cid Kale ayey…” Cali Xaamud Wisiirkii Cilmi-baadhista

WASIIRKII HORE EE XIDHIIDHKA GOLAYAASHA SOMALILAND CALI XAAMUD JIBRIIL

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goloyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay inaan Xil-ka-qaadistiisu aanay ka iman Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee ay cid kale ka timi.

WASIIRKII HORE EE XIDHIIDHKA GOLAYAASHA SOMALILAND CALI XAAMUD JIBRIIL OO SHAACIYEY IN XIL-KA-QAADISTIISU CID KALE OO AAN SIILAANYO AHAYN KA TIMI 29 JULY 2017

 

Cali Xaamud Jibriil oo toddobaadkii hore xilka laga qaaday, isla markaana beddelkiisa loo magacaabay Wasiirkii hore ee Warfaafinta wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale oo ay isku gobol yihiin, ayaa sheegay inuu Axadda berri xilka ku wareejin doonno Wasiirka lagu beddelay, isla markaana uu Xil-wareejinta kaga hadli doonno arrimo badan oo isugu jira talo iyo tusaale-ba.

“Horta, xil-ka-qaadistaydu Madaxweynaha kamay iman ee meel kale ayey ka timi. Laakiin, waan ku farraxsanahay oo aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waannaan ka nasanayaa shaqada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tignoolajiyadda oo Sabtidii Maanta War kooban siiyey Horn Cable TV.

Cali Xaamud oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Madaxweynaha aan la soo shaqeeyayna waan u mahad-naqayaa; sida fiican ee muddada toddobada sano ahayd ee aan la soo shaqeeyay. Wixii dareen ah iyo wixii kalena maanta  ayaan xilka wareejinayaa ee tallo iyo tusaale ahba.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.