Wiil Soomaali ah oo Kelyihiisa Toddobba Boqol oo Dhagax laga soo saaray iyo Dhakhaatiir ka Hadlay

WIIL SOOMAALI AH OO KELYIHIISA TODDOBA BOQOL OO DHAGAX LAGA SOO SAARAY IYO DHAKHAATIIRTA OO KA WARBIXISAY 29 JULY 2017

Hindiya(Aftahannews):- Wiil Soomaali ah oo muddo ka xanuunsanaayay Kelyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay ka dib, waxaa laga soo saaray Kelyihiisa Toddoba Boqol (700) oo Dhag; sida ay sheegtay Dhakhtarad ka tirsan Cusbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

WIIL SOOMAALI AH OO KELYIHIISA TODDOBA BOQOL OO DHAGAX LAGA SOO SAARAY IYO DHAKHAATIIRTA OO KA WARBIXISAY 29 JULY 2017

Wiilkan Qalliinka lagu sameeyey oo lagu magacaabo Cabdirahman, waxaa uu ka tegay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ka dib markii Dhakhaatiirta ay u sheegeen in Kelyihiisa mid ka mid ah Infekshan uu hayo, taasoo keentay in dalka India uu u doonto daweyn caafimaad.

Waxaa uu tegay dalka Hindiiya, waxaana saddex maalmood ka hor lagu sameeyay qalliin guuleystay oo labada Kelliyood lagu sameeyay, sida ay shaacisay Surya Prakash oo ah Dhakhtaradda qalliinka ku sameysay ee Cusbitaalka Virinchi ee Dalkaas.

“Markii uu halkaan (Hindiya) noogu yimid, wuxuu noo sheegay in Kellidiisa Infekshan ay qabto, laakiin markii aan qalliin ku sameynay, waxaana ka soo saarnay Dhagxan badan, waxaana ka hor inta aanan qalliin ku sameynin saarnay qalabka lagu ogaado dhagxanta.” Sidaa ayey tidhi Drs Surya Prakash.

Waxaanay intaas ku dartay; “Dhagxanta qaarkood intii aan ku guda-jirnay qalliinka ayey soo daateen, waxaana intii kale markii aan soo saarnay ku qiyaasnay 700 oo dhagxan yar yar ah, qiyaastii 100 illaa 150 dhagxan ah way naga daateen.”

Dhacdadan, ayaa noqotay tii ugu horreysay oo ay la kulmaan Dhakhaatiirta dalka Hindiya, marka la eego tirada dhagaxanta laga soo saaray Kelyaha Cabdirahman.

Xigasho Hiiraan.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.