Wasiirka Diinta ee Somaliland oo Ku Haftay inuu Jawaab Sugan ka bixiyo Kaniisadda Hargeysa laga Furay

SAWIRKA KINIISAD CUSUB OO LAGA DHISAY HARGEYSA WARBAAHINTU U ADEEGSADAY 29 JULY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka werwereegay inuu jawaab rasmi ah ka bixiyo Kiniisad Hargeysa shalay dib looga furay, markii ay Soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey xidhnayd ka dib, waxaanu Warkaas furitaanka Kiniisadda noqday hadal-hayntii ugu badnayd 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey Hargeysa.

SAWIRKA KINIISAD CUSUB OO LAGA DHISAY HARGEYSA WARBAAHINTU U ADEEGSADAY 29 JULY 2017

Munaasibad lagaga hadlayey doorka Mutadawacnimadu leedahay oo Hargeysa lagu qabtay Habeen-hore, ayey ka hadashay Gabadh la yidhaahdo Marianne Vecchione oo Kiristan ah, taas oo sheegtay inay laba hawlood oo mutadawacnimo ah u joogto Somaliland, kuwaas oo ay ku kala sheegtay hawlo Samo-fal caafimaad ah iyo hirgelinta Kiniisadda Hargeysa, si ay ugu cibaadaystaan Dadka Kiristanka ah ee Mahdabta Kaataliga haysata.

Marianne Vecchione, ayaa sheegtay inay Xukuumadda Somaliland garawsatay Baahida Dadka Ajaanebka ah ee Kiristanka ahi ugu baahan yihiin helitaanka Kiniisad ay ku cibaadaystaan, waxaanay intaas ku dartay oo ay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ku guulaysato furitaanka Kiniisaddaas oo 30-kii sannadood ee ugu dambeeyey aan si fiican u shaqaynayn ama xidhnayd, qaybana dunsanaayeen.

Haddaba, hadalka ay Marianne Vecchione ka jeedisay Xafladdaas oo Talefeshinka Horn Cable Baahiyey, waxaannu hadalkeeda oo English (Ingiriisi ah) iyo Turjumaaddiisa Soomaaliga ah-ba, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Inkasta oo Warka Haweenaydan Kiristanka ah ee lagu magacaabo Marianne Vecchione sidaa u cad yahay, haddana Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, si is-diidsiin iyo dafiraadi ka muuqato ayuu uga jawaabay mar ay maanta Warbaahinta qaarkeed wax ka weydiiyeen Warkaas Kiniisadda.

Wasiir Khaliil oo ka jawaabaya Su’aasha laga weydiiyey Kiniisaddaas iyo waxay Wasaarad ahaan kala socdaan ama sida ay Xukuumad ahaan u oggolaadeen Kiniisaddaas, waxa uu yidhi; “Runtii aad iyo aad baan uga xun nahay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ee Facebook-ga, oo runtii soo qaadanaya Qof Dumar ah oo Kiristaan ah oo Dalka deggan oo joogta hadalladeedii soo xignaya. Laakiin, Sawirro khaldan oo waxba ka jirin iyo War ku-tidhi-kuteen ah.”

“Sidaa darteed, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay go’aansatay iyadoo kaashanaysa Wasaaradda arrimaha dibedda inay sameeyaan War-Saxafadeed arrintaa xaqiiqadeeda sharrixi doonna, waannad mahadsan tihiin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Hadalka Kooban ee Wasiir Khaliil kaga gaabsaday faahfaahinta laga rabay inuu Kiniisaddaa ka bixiyo, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.