Ololaha Nadaafadda Muqdisho: “Cidda Xashiish Lagu Hor-arko waxa loola dagaallamayaa Sida Al-Shabaab ..”

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN KHAYRE OO DHINACA HAYSTA CAGAFTA XASHIISHKA KA GURAYSA MUQDISHO 27 JULY 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha, Raysal-wasaare Ku-xigeenka, Xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan, Masuuliyiinta gobolka Banaadir, Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan iyo Madax kale oo dawladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan, ayaa Maanta ka wada qaybgalay Olole Nadaafadeed oo laga sameeyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

RAYSAL-WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN KHAYRE OO DHINACA HAYSTA CAGAFTA XASHIISHKA KA GURAYSA MUQDISHO 27 JULY 2017

Maamulka gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho, ayaa sheegay inaan maanta wixii ka dambeeya la aqbali doonin Xashiish iyo Qashin magaalada dhex-yaalla, isla markaana Guriga, Meheradda, Cusbitaalka, Xarumaha dawladda iyo goobaha Waxbarashada ee Caasimadda Soomaaliya ee lagu hor-arko Qashin daadsan ama dhex-daadsan ama hor-wadhan ama la dhigay goobo ka tirsan meelaha aan loogu talo  gelin qashin tallaabooyin Sharci ah laga qaadi doono, sidoo kalena loola dagaallami doono sida Argaggixisada Al-Shabaab oo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in ay Qofkii lagu helo isaga oo qashin ku shubaya meelaha aan munaasabka ku aheyn uu la mid yahay sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab, waxaanu yidhi; “Maanta wixii ka dambeeyo qof laga aqbalayo ma lahan qashin in uu qashin hortiisa yaalo, wixii wacyi gelin ah waa soo sameynay, ama Ganacsade ha ahaado ama qof guri degan ha ahaado, wixii sharciga uu qabo ayuu ku muteysanayaa tallaabo sharci ayaa laga qaadayaa.”

Geesta kale, War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa lagu faahfaahiyey maalintan uu Raysal-wasaaruhu go’aamiyey, waxaana Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, u dhignaa sidatan:-

“Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.

Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaano iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.

“Maanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintan”, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

“Tani waxay ka turjumaysaa in Soomaalidu ay dalkeeda dib-u-dhisato, haddii aynaan anagu qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka, ma jirto cid noo keenaysa dal bilicsan, haddii aad ka qeyb qaadato nadaafada guud iyo barnaamijyada iskaa wax u qabso, waxay tusaale u tahay in aad dalkaaga dib-u-dhisatid. Waa in qof walba oo Soomaali ah ogaadaa dalka kaliya ee naga dhexeeya inuu yahay kan.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay. Wasaaradaha uu Ra’iisul Wasaaruhu tagey ee ololaha nadaafaddu ka socday ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Madaxtooyada dalka, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar kale, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas Aftahannews.com soo gaadhay ee ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia,Office.