Ujeedka Hal-ku-dhegyada; ‘Igu Sawir’ iyo ‘Igu Dayo’ iyo Isticmaalka Baraha Bulshada ee Madaxda Federaalka Soomaaliya – Warbixin Xiiso leh

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO FALANQAYNTA WARBIXINTA IGU SAWIR IYO IGU DAYO 27 JULY 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Waxaa todobaadyadan baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhalliilayo Hab-dhaqanka Madaxda iyo Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey Kelmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo ama lagu difaacayo Dawladda oo loogu magac-daray; ‘Igu Dayo’.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO FALANQAYNTA WARBIXINTA IGU SAWIR IYO IGU DAYO 27 JULY 2017

Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin ay Hal-ku-dhegyadan cusub iyo Hab-dhaqanka Madaxda dawladda ee dhinaca isticmaalka Baraha Bulshada ka diyaarisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du, taasoo aannu mucdeeda ka soo xigannay BBC, isla markaana kaabis iyo sixitaan ku samaynay, waxay iyadoo dhammaystiran u dhignayd sidatan hoos ku qoran:-

Ololahani waxa uu soo bilawdey sannadkii hore, waxaase hadda dib u soo cusbooneysiiyey Hees cusub oo uu qaaday ama ku luuqeeyo Fannaanka Ilka-case Qeys, taasoo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxa loogu magac-daray ‘Igu Sawir’.

Dawladda Soomaaliya waxaa si gaar loogu dhalliilayaa arrin ku saabsan Gabadh lagu magacaabo Faa’isa Cabdillaahi, oo ah Xiddigle Ciidammada Xoogga dalka ka tirsan oo dhaawac soo gaadhay ku curyaantay, ka dibna Madaxda dawladdu ay u ballan-qaadeen in ay Dhakhtar dibedda ah u diri doonaan. Balse, Faa’iso waxay sheegtey in aan weli waxba loo qabannin.

Kumannaan Dhalinyaro ah, ayaa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka si joogto ah ugu faafinaya Sawirro iyo Qoraalo hal-heys looga dhigey; ‘Igu Sawir’, qaarkood ayaa xitaa xayawaanno isku soo Sawiray.

Hase-yeeshee, kelmadda; ‘Igu Dayo’ Dhalinyaro kale oo Dawladda taageero u haya, ayaa iyaguna bilaabay olole kale oo ay ugu magac-dareen; ‘Igu Dayo’, waxaanay ku dhiirrigelinayaan Madaxda dawladda, iyaga oo boggaadinaya wax-qabad ay sheegayaan inay Madaxda dawladdu sameeyeen muddada ay xilka hayeen.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jirtaa, waxay bilawgeedii iyo doorashadii Madaxweynaha-ba heshey taageeradii ugu badneyd ee Shacabka Soomaaliyeed dawlad u muujiyaan meel kasta oo ay joogaan muddo sannado badan ka dib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey Baraha Bulshada. Hase-yeeshee, gadaal taageeradaa faraha badan lahayd waxay u muuqataa inay wax iska beddeleen ama iska beddelayaan. Taasina waa sababta keentay hal-ku-dhegyadan lagu faafinayo Baraha Bulshada ee ‘Igu Dayo’ iyo ‘Igu Sawir’ ee isku lidka ah.

Dowladda iyo Baraha Bulshada

Maxamuud Cali oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa ku warramay in Madaxda dawladda Soomaaliya ee cusub ay u badan yihiin Rag Dhalinyaro ah oo Qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala Baraha Bulshada, iyaga oo wax-qabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taas ay ugu wacan tahay guuxa Dadweynuhu ka muujinayaan durba nidaamka hoggaaminta Madaxda Dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid muddan in markii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra’isal-wasaare Xasan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey Boggiisa Twitter-ka, waxaanay ahayd markii ugu horreysey ee taariikhda Dawladaha Soomaaliya soo maray Ra’isal-wasaare Magacaabistiisa laga ogaado Barta Twitter-ka uu ku leeyahay Madaxweynaha dalku.

Sidaasi si la mid ah Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wax-qabadkooda iyo meelaha ay booqdaan ku shaaciya Baraha Bulshada xitaa ka hor inta aanay Warbaahinta dawladdu faafinnin ama baahinnin-ba.

Balse, Dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey Baraha Bulshada, ayaa waxay farta ku fiiqayaan in Dawladdu ay u eegtahay in weli ay ku jirto jewigii ololaha doorashada, sidaasna ay ugu wacan tahay in la qoonsado Sawirrada Madaxda ee sida joogtada ah u soo baxaya ama loo soo dhigayo Baraha Bulshada. Hase-yeeshee, illaa hadda weli ma jiro Masuul dawladda ka tirsan oo ka hadlay guuxa Dadweynaha iyo Dhalliilaha ay isticmaalkooda Baraha Bulshada kala kulmayaan iyo hal-ku-dhegyada cusub ee Igu Sawir iyo Igu Dayo ee midna lagu difaacayo midna lagu dhalliilanyo Madaxda dawladda.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.