Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in Shirkado ay ku Wareejisay Wershadda Sibidhka ee Berbera Hawsha Bilaabayaan

XUKUUMADDA SIILAANYO OO WERSHADDA SIBIDHKA EE BERBERA KU WAREEJISAY SHIRKADAHA RED SEA 12 JUNE 2017

Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay inay Wershadda Sibidhka Berbera ku Wareejisay Shirkadaha ku Midoobay Magaca Red Sea (Badda Cas) ee Dahabshiil Group, KIPCO iyo Berbera Group oo bilaabaya Hawsha Wershadda iyo Mulkiilaha Dahabshiil oo ka hadlay

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabmayso dhismaha Wershadda Sibidhka ee magaalada Berbera, taas oo ay Xukuumaddu ku wareejisay saddex Shirkadood oo kala ah Shirkadda Red Sea (Badda Cas) oo ay ku midoobeen Shirkadaha Dahabshiil Group, KIPCO iyo Berbera Group.

XUKUUMADDA SIILAANYO OO WERSHADDA SIBIDHKA EE BERBERA KU WAREEJISAY SHIRKADAHA RED SEA 12 JUNE 2017
XUKUUMADDA SIILAANYO OO WERSHADDA SIBIDHKA EE BERBERA KU WAREEJISAY SHIRKADAHA RED SEA 12 JUNE 2017

Shir Albaabbadu u xidhnaayeen oo ay Isniintii Maanta Wasiirrada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Shirkadahaas Red Sea ku midoobay ku wada yeesheen xarunta Wasaaradda Ganacsiga, kaasoo dood iyo is-waraysi ka dib, ay iskula qaateen bilawga hawsha dhismaha Wershaddaas oo tan iyo intii ay Burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya fadhiday oo aan shaqaynayn, markii dambana Qalabkeedii la bililiqaystay oo Seeska laga soo bilaabayo hawsheeda.

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Cumar Shucayb, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Mulkiilaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), waxaanay sheegeen inay hawsha dhismaha iyo Maalgelinta Wershadda Sibidhka Berbera bilaabmayso, wixii hawlo qabyo ahaana Shirkaduhu soo dhammaystireen.

Masuuliyiintaas Warbaahinta qaarkeed la hadlay sharraxaadda ama faahfaahinta ay ka bixiyeen halka hawshaasi marayso, waxaannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Dalka Somaliland oo aan lahayn Wax-soo-saar iyo Wershado Muuqda lahayn, ayaa Sibidhku ka mid yahay waxyaabaha loogu baahi badan yahay, isla markaana waxa Sibidhka Somaliland lagu isticmaalo laga keenaa waddamada Cumaan iyo Itoobiya oo ay Ganacsato ka soo dhoofsato, waxaana haddii Wershadda Sibidhka ee Berbera oo muddo badan khilaaf cidda la siinayo ee dhisaysa ahi jiri jiray wakhtigan lagu guulaysto in laga shaqaysiiyo oo dib-u-dhis iyo maalgelin lagu sameeyo, waxa lagaga maarmi doonaa soo dhoofsiga Sibidhka, maaddaama gobolka Saaxil ee ay Wershaddu ku taallaa Hodan ku yahay Ciidda iyo Dhagaxa Sibidhka laga sameeyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.