Dacwad-ooge Shaaciyey inuu Shaqadiisii ku waayey Taleefanka Madaxweyne Trump oo uu Qaban waayey

MADAXWEYNE TRUMP OO TALEEFANKIISA MARKII UU KA QABAN WAAYEY SHAQADA KA ERYEY DACWAD-OOGE Preet Bharara 12 JUNE 2017

New York(Aftahannews):- Dacwad-ooge sare Preet Bharara oo heer Federaal kaga soo shaqeeyay Maxkamadda magaalada New York ee waddanka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu shaqada ka eryey, ka dib markii uu ka qaban Waayey Taleefan uu sheegay inaanu caadi ahayn oo Trump xilliyio kala duwan kula soo xidhiidhay ama uu ka wacay Isaga.

MADAXWEYNE TRUMP OO TALEEFANKIISA MARKII UU KA QABAN WAAYEY SHAQADA KA ERYEY DACWAD-OOGE Preet Bharara 12 JUNE 2017
MADAXWEYNE TRUMP OO TALEEFANKIISA MARKII UU KA QABAN WAAYEY SHAQADA KA ERYEY DACWAD-OOGE Preet Bharara 12 JUNE 2017

Preet Bharara ayaa warbaahinta ABC News u sheegay toddobaadkan in uu dareemay in Taleefannadiii Madaxweyne Trump ay ka soo tallaabeen Xayndaabkii caadiga ahaa ee u dhaxeeyay Masuuliyiinta sare iyo Dembibaadheyaasha Madaxa-bannaan; sida ay Baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo soo xigatay ABC News.

Dacwad-ooge Sare Bharara, ayaa sheegay in Shaqada laga eryay, ka dib markii uu diiday in uu markii saddexaad Taleefan ka qabto Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Hase-yeeshee, Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka weli kamuu jawaabin eedayntaas Dacwad-ooguhu sheegay in Shaqada lagaga eryey.

Preet Bharara oo uu magacaabay Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in ay u muuqatay in Madaxweyne Trump uu rabay in uu xidhiidh la samaysto, ka dib markii ay kulmeen dhammaadkii sannadkii 2016-kii.

Hase-yeeshee, Dacwad-ooge Sare Preet Bharara, waxa uu ku dooday oo uu sheegay in uu dareemay in aanay habboonayn in xidhiidh dhawi dhex-maro isaga iyo Madaxweyne Trump, ka dib markii uu Madaxweynuhu xilka la wareegay.

“Toddoba sano iyo badh aan Shaqadaas hayay marna ima soo wicin Madaxweyne Obama, waxaanan dareensanahay inaanay habboonayn in xidhiidh gaar ah oo dhawi na dhex-maro Aniga iyo Madaxweynaha, mar haddaan Waaxda Garsoorka ka tirsanahay.” Sidaa ayuu yidhi Dacwad-ooge Preet Bharara.

Dacwad-oogahaas Shaqada laga caydhiyey ee Preet Bharara oo sii sharraxaya waxa ka dhalan kara xidhiidhka dhex-mara Madaxweynaha iyo Waaxda Garsoorka, waxa uu yidhi; “Saddex wakhti ayuu isoo wacay Trump intii uu Madaxweynaha noqday ka dib, Aniguna waan diiday inaan ka qabto Taleefanka. Taleefanka uu mararka badan iga soo wacay Madaxweynaha Maraykanku waxay ahayd inaanu isoo wacin, maxaa-yeelay, waa qayb ka Cadawga Cadaaladda Xidhiidhka uu Trump la samaynayo Garsoorka.”

Madaxweyne Trump, ayaa Xubno uu ka mid yahay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Maraykanka James Comey iyo kuwo kale-ba, sidan oo kale iyo qaabab macno ahaan la nooc ah xilka uga qaaday tan iyo intii uu xilka la wareegay 20-ka bishii koowaad ee sannadkan 2017-ka, kuwaas oo inta badan la sheego markii uu ka waayo xidhiidh dhaw oo uu kaga fushan-rabo dano isaga u gaar ah iyo u raxlayn, inuu ku kaco in uu xilka ka eryo Isaga oo aan qaab Sharci ah u maraynin. Balse, inta badan tallaabooyinka uu qaado ee kuwa noocan ahi ka mid yihiin, wuxuu kala kulmaan Fadeexado muujiya deg-degga iyo masuuliyad-darro uu ku kacayo Madaxweyne Trump.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.