Dedaalka Muqdisho, Deldelaadda Riyadh, Doodda Dooxa, Dabuubta Farmaajo iyo Diidmada Xajka ee Sucuudiga – Warbixin

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdishu waxaa Maanta gaadhay Wefti ka socda Dawladda Qadar, kaas oo Madaxda dawladda Federaalka kulammo kula yeeshay Muqdisho. Weftigaas waxaa hoggaaminaya Wasiiru-dawlaha arirmaha Dibedda Qadar Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi.

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO BOQORKA SUCUUDIGA OO RIYADH KU KULMAY PHOTO FILE 2017

Wefdigan ka socda dawladda Carabtu gedoomisay ee Qadar, ayaa la sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre oo ay ka wadahadleen Xiisadda Cusub iyo doorka dhex-dhexaadnimo ee Dawladda Soomaaliya ka istaagtay khilaafkaas oo la sheegay inay Weftigu ku boorriyey Madaxda Federaalka Soomaaliya inay ku adkaystaan Mawqifka dhex-dhexaadnimada ah.

Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay meel dhexe iska taagayso Khilaafka u dhexeeya Dalaka Xulufada Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayo ee go’aanka ay xidhiidhka ugu jareen Qadar isku raacay Isniintii toddobaadkii hore, waxaanay Soomaaliya ku baaqday in nabadgelyo iyo wadahadal loo maro Ururrada ay dalalkani xubnaha ka wada yihiin ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Midawga Islaamka lagu dhammeeyo Xiisaddaas.

Wasiir ka socda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa la sheegay inuu ka sii horreeyey Weftigan Qadar oo uu maalmahanba ku sugnaa Caasimadda Muqdisho, iyada oo la sheegay inay Dawladda Sucuudigu ka dalbatay dhiggeeda Soomaaliya inay go’aanka gedoominta ah ku raacdo ama ku taageerto, halka ay dhex-dhexaadka ka istaagtay.

Boqortooyada Sucuudiga, ayaa la sheegay inay ka cadhootay mawqifka dhex-dhexaadnimada ah ee ay dawladda Soomaaliya ka istaagtay Xiisadda Khaliijka ka aloosan, isla markaana Wefti Wasiirro ah oo Soomaaliya ka socday oo toddobaadkii hore tegay Sucuudiga ay Weji-gabax kala kulmeen Dawladda Riyadh, taasoo maamuus ka hooseeya kii ay ka filayeen ku qaabbisay Weftiga Federaalka Soomaaliya ka socday oo haba-yaraatee aanay la kulmin Wasiirrada dhiggooda ah ee Sucuudiga oo qorshuhu ahaa inay Mashaariic iyo heshiisyo hor leh kala saxeexdaan, balse aanay taasi suurtagal u noqon markii ay la kulmi waayeen Dhiggooda Sucuudiga, ka dibna ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Dawladaha Carabta ee Sacuudiga, Masar, Baxrayn, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka Bariga iyo dalka Maldives, ayaa dhammaantood Isniintii shaaciyey inay xidhiidhka Dublamaasiyadeed iyo xidhiidhadii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar u jareen. Waxaanay ku eedeeyeen in ay teegeerto Argaggixisada gobolka.

Dawladahaas mawqifka isku midka ah xidhiidhka ugu jaray Qadar oo sheegay dhammaantood inay Xuduudaha ay la wadaagaan Qadar ee dhinacyada Cirka, Dhulka iyo Baddaba ka xidheen, ayaa Diblamaasiyiintooda Qadar u wada yeedhay, isla markaana amray inay dalalkooda ka baxaan Safiirrada Qadar ay ku lahayd, sidoo kalena Muwaaddiniintooda ku amray inay ka soo baxaan Qadar, halka Muwaaddiniinta Qadarna ay ku amreen inay ka baxaan Waddamadooda.

Haddaba, Xaaladdaas ayaa gaadhay meel fool-xun oo ay Durba Qadar dareentay saamaynta go’aanka dalalkaasi ku gedoomiyeen, waxaana Dalka yar ee Gaasta qaniga ku ah ee Qadar oo ah Dhul yar oo Saxara ah aan wax-soosaaraan kale lahayn Shiidaal mooyee, waxaana Diyaarado sida Cunto iyo Khudrad u badan u diray dawladaha Turkiga iyo Iiraan, maaddaama oo Dalalka Carabta ee ay Cuntada iyo Khudaarta kala duwan ka dhoofsan jireen Xidheen Xuduudihii Dhulka, Badda iyo Cirka-ba.

Tallaabooyinka ugu ad-adag ee saameeyey Dadka reer Qadar, waxaa ka mid ah Dowladda Sucuudiga, ayaa ka sokow go’aanka ay hormuudka ka tahay ee lagu gedoomiyey Qadar, waxay bilawday in ay Muwaaddiniinta Qadar u dhashay iska hor-istaagtay in ay ku Cibaadeeystaan Masaajidka Barakeeysan ee magaalada Makka iyo inay Cirbo iyo Xaj u tegi karaan Makkah; sida lagu baahiyey Wargeyska Al-sharqi oo ay Warbaahinta Caalamkuna ka sii xigatay Xogta Warkaas. Waxaanu Sheegay in Axaddii ay Dawladda Sucuudigu si cad ugu sheegtay in Muwaaddiniinta Reer Qadar inaanay iman karin Xajka sannadkan oo ay muddo 3 ka yari innaga xigto.

Cali Bini Smaikh Al-marri oo ah Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadamaha Qaranka Dalka Qadar oo sheegay in Muwaaddiniin reer Qadar ah oo Sucuudiga joogaa ay Cabasho la xidhiidha go’aanka Boqortooyada Sucuudiga u gudbiyeen Guddi ahaan, ayaa sheegay in arrintaas Sucuudigu ku kacay tahay mid Xad-gudub ku ah Heshiiskii Xuquuqda Aadamaha ee xorriyadda u siinaya in Qofku guto waajibaadkiisa Diiniga ah iyo sidoo kale Diinta Islaamka ee Muslimiinta Waajibka kaga dhigtay Cibaadada Cibrada iyo gudashada Xajka Eebbe, loona baahan yahay in Sucuudigu si dhaqso ah uga noqdo go’aankaas qaldan Diin ahaan iyo Xuquuq ahaan-ba. Waxa uu Guddoomiyaha Xuquuqda Aadamaha Qadar ku dooday inaanay Dawladda Sucuudigu xaq u lahayn inay Ummadda Islaamka ah ee Cibaadada Allaah gudanaysa kala faquuqdo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.