Guddoomiyaha Kulmiye iyo Wefti Xukuumadda ka socda oo Gurmad gaadhsiiyey Boorame oo Shuban ka Dillaacay

MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO XUKUUMADDA KA TIRSAN OO GURMAD GAADHSIIYEY SHUBAN-BIYOODKA BOORAMA 11 JUNE 2017

Boorama(Aftahannes):- Wefti ka socda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa Gurmad Dawo iyo Lacag isugu jirta gaadhsiiyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo uu ka dillaacay Cudurka Shuban-biyoodku.

MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO XUKUUMADDA KA TIRSAN OO GURMAD GAADHSIIYEY SHUBAN-BIYOODKA BOORAMA 11 JUNE 2017
MUUSE BIIXI IYO WASIIRRO XUKUUMADDA KA TIRSAN OO GURMAD GAADHSIIYEY SHUBAN-BIYOODKA BOORAMA 11 JUNE 2017

Waxaa Xubno ka ah Weftigaas Wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda, Caafimaadka, Waxbarashada, Wasiirro kale, Ku-xigeenno, Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan, Maayerka Caasimadda, Masuuliyiin Kulmiye ka tirsan iyo Guddoomiyaha Xisbigaas oo isagu Weftiga hoggaaminaya. Waxay Masuuliyiintaasi ka hadleen xaaladda Shubanka ee ka dillaacay Boorama.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo Xubnaha Weftigiisu waxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku wareejiyeen Dawo iyo Lacag, isla markaana waxay kormeereen goobo uu Xabsiga dhexe ee Boorame ka mid yahay oo uu Madaxweynuhu Maxaabiista ku jirta ee aan Dembiyada waawayn u xidhnayn Cafis u fidiyey; sida uu Wasiirka Madaxtooyadu isla Xabsigaas ka sheegay Maanta.

Haddaba, Warbixinta Warka Weftigan, goobaha ay mareen Xaddiga Lacagta iyo Dawada ay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Hadallada ay jeediyeen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.