Ururka Qareennada Somaliland Oo Shaaciyey in Madaxweyne Siilaanyo Si Qayrul-Dastuuri ah ugu Dhawaaqay Guddiga Culimada

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SHAACIYEY DHAMMAYSTIRKA GUDDIGA GOLAHA CULIMADA SOMALILAND 10 JUNE 2017

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland uma laha awood uu ku magaacaabo Guddiga Culimada Jamhuuriyadda Somaliland, Magacaabista Guddiganina waa Qayrul-Dastuuri. Haddaba, waxaa jirta in aan Xukuumadda Somaliland ixtiraamin, kuna dhaqmin Dastuurka, muddooyinkii u danbeeyeyna go’aamadii ka soo baxay Xukuumadda ay khilaafsanaayeen Dastuurka JSL. Sidaa darteed….” GuddoomiyahaUrurka Qareennada Somaliland SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi

MADAXWEYNE SIILAANYO OO SHAACIYEY DHAMMAYSTIRKA GUDDIGA GOLAHA CULIMADA SOMALILAND 10 JUNE 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO OO SHAACIYEY DHAMMAYSTIRKA GUDDIGA GOLAHA CULIMADA SOMALILAND JUNE 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA, ayaa Qayrul-dastuuri ku tilmaamay Magacaabista Guddiga Culimada Somaliland oo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Habeen-hore ku shaaciyey in dhismahooda la soo dhammaystiray Xubnaha Guddiga Culimada, isla markaana Qoraal ku soo saaray Magacyada 12 Xubnood oo ay Guddigaasi ka kooban tahay.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi, ayaa maanta soo saaray War-Saxaafadeed uu Sharci ahaan ugu dul-istaagay qaabka Culimadaas loo magacaabay iyo qodobbada Dastuurka ee sharraxaya hab-dhismeedka Guddiga ama Golaha Culimada.

GUDDOOMIYAHA URURKA QAREENNADA SOMALILAND EE SOLLA MAXAMED MAXAMUUD XAASHI
GUDDOOMIYAHA URURKA QAREENNADA SOMALILAND EE SOLLA MAXAMED MAXAMUUD XAASHI

Guddoomiyaha Ururka Qareennadu waxa uu War-Saxaafadeedkiisa ku caddeeyey inay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qaabka uu dhigayo in loo dhiso Guddigaas la baal-maray, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay u hoggaansanto Dastuurka iyo Xeerarka Sharci ee Somaliland u degsan, waxaanu tilmaamay in muddooyinkii u dambeeyey ay Xukuumaddu ku dhaqmaysay Sharci iyo Dastuur-jebin. Golaha Guurtida ayuu ugu baaqay inay waajibkooda Sharci ka gutaan oo ay Xukuumadda u tilmaamaan Qaabka Guddigan lagu dhisayo ee Dastuurku waajibiyey.

War-Saxaafadeedkaas Qoraalka ah ee uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Maxamed Maxamuud Xaashi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Magacaabista Guddiga Culimada Somaliland habka loo  magacaabay maaha mid waafaqsan dastuurka jamhuuriyada Somaliland waana mid ka hor imanaysa dastuurka qarank jamhuuriyada Somaliland isla markaana jidaynaysa masuuliyad daro  ka timaada ku dhaqan la aanta dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Habka loo magacabayo gudida culilmada waxa tilmaamaya  Qodobka 119 aad ee dastuurka qarank jamhuuriyada waxanu u dhigan yahay sida tan; ‘QODOBKA 119 ee dastuurka:

Magacaabista  Xubnaha  Guddiga  Culimada  1- Xubnaha Guddiga Culimada waxa soo magacaabaya Guddi laga soo cayimo Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya Golaha Guurtida.

2- Guddida Culimadu, iyagaa iska dhex dooranaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeen. Magacaabidda Guddigan Culilmada  waxaa xaq u  leh Guddi  isku-dhaf ah oo ka kooban Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo  ah tiro  is leeg, waxaana  ansixinaya Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.  

Haddaba, Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland uma laha awood uu ku magaacaabo Guddiga Culimada Jamhuuriyadda Somaliland, Magacaabista Guddiganina waa Qayrul-Dastuuri.

Sidoo kale magacabista Guddigani waxay khilaafsan tahay Qodobka 116 ee Dastuurka Jamhuriyadda Somaliland  oo si cad u tilmaamaya tirada Xubnaha ay noqonayaan Guddiga Culimada oo ah 11 Xubnood,  balse tirada Xubnaha  Madaxwaynuhu magacaabay oo ka kooban 12  Xubnood, waxay khilaafsan tahay QOD: 116. Sharci ahaanna ay khalad tahay in la magacaabo tiro buuxda, sababtoo ah Guddigu waxay go’aannada ku gaadhaysaa  Cod  hal-dheeri ah.  Kuna meel-marayaan go’aamadoodu, balse tiradan Madaxwaynuhu waxay abuuraysaa khilaaf iyo muran Dastuuri ah.

Sidoo kale, waxyaabaha ka reebban Guddigan Culimada Dastuuriga ah in aanay ka tirsanayn Hay’ad ama Guddi  kale oo Qaran, sida uu tilmaamayo Qod; 118 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, magacaabistan Madaxwaynaha waxa  ka muuqata in ay khilaafsan tahay Qodobkan 118 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana magacaabistiisa ku jira Xubno ku jira Guddiyo kale oo Dastuuri ah; sida Guddiga Cadaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaa jirta in aan Xukuumadda Somaliland ixtiraamin, kuna dhaqmin Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u danbeeyeyna go’aamadii ka soo baxay Xukuumadda ay khilaafsanaayeen Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.  Haddii aanay Xukuumaddu Dastuurka ay xilka ku hayaan ixtiraamin, waxa ka dhalanaya   masuuliyad-darro  sababi karta Maamuus-ka-xayuubin.

Sidaa darted, Ururka Qareennadu wuxuu Xukuumadda ku waaniyanaa in la  ilaaliyo laguna dhaqmo Dastuurka  Qaranka iyo Xeerarka kale ee ka farcama. Waxanan ugu digaynaa Xukuumaddu in ay caadaysato go’aamo noocan oo kale ah oo Qayral-dastuuri ah. Guddiganna waa in loo maro qaabka u tilmaamayo Dastuurka JSL.  Waxa kale oo aan ku wargelinayaa Golaha Guurtida in ay waajibaadkooda ka  gutaan Guddigan Qarul-dastuuriga ah  oo ay tilmaamaan qaabka loo soo xuluyo iyo cidda  xaqa magacaabidda leh. Allaa  Mahad leh.” 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.