Madaxweyne Siilaanyo oo Xeer Ku Soo Saaray Maalinta ay doorashada Madaxtooyadu Qabsoomayso

Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xeer Madaxweyne ku soo saaray Cayimaadda maalinta ay doorashada Madaxtooyada Somaliland qabsoomayso, ka dib markii ay Guddiga doorashooyinka Qaranku u soo gudbiyeen 8-dii bishan June Cayimaadda doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xxigeenka, taas oo ku taariikhaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Waxaa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu ku soo saaran dhaqan-gelinta Xeerkan lagu cayimay maalinta doorashada Madaxtinnimada oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada ahna Ku-simaha Afhayeenka Naasir Yuusuf Daahir, ayaa Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com, kaas oo u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono.

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda    Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr.  20/ 2001.

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr.  20/ 2001;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015; Markuu Ku Qancay:      In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo saaray; Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.