Shaqaalaha Dekedda Berbera oo ka Cawday Raysal-wasaaraha Bilaa Sharciga ah ee Somaliland iyo Wasiirka Maaliyadda

RAYSAL-WASAARAHA AAN SHARCIGA LAHAYN EE SOMALILAND WASIIR MAXAMUUD XAASHI IYO WASIIRKA MAALIYADDA SAMSAM CABDI AADAN

Berbera(Aftahannews):- Shaqaalaha Muruq-maalka ah ee Dekedda Berbera, ayaa sheegay inay ku ballan-fureen Wasiirrka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo maalmahan loogu yeedho Raysal-wasaaraha aan sharciga lahayn markii uu Cabdillaahi-Jawaan ku tilmaamay Raysal-wasaare aan sharci haysan inuu Somaliland ka yahay iyo Wasiirka Maaliyadda  Samsam Cabdi Aadan oo ay u gooyeen kulammo ay ku ballansanaayeen inay kaga wadahadlaan cabashadooda, isla markaana ay buriyeen Xaqooda oo ay u ballan-qaadeen inay helayaan markii DP World lagu wareejinayey Dekedda Berbera bishii hore.

RAYSAL-WASAARAHA AAN SHARCIGA LAHAYN EE SOMALILAND WASIIR MAXAMUUD XAASHI IYO WASIIRKA MAALIYADDA SAMSAM CABDI AADAN
RAYSAL-WASAARAHA AAN SHARCIGA LAHAYN EE SOMALILAND WASIIR MAXAMUUD XAASHI IYO WASIIRKA MAALIYADDA SAMSAM CABDI AADAN

Shaqaalaha ka hawlgala qaybaha Rarka, dejinta iyo rasaynta Badeecadaha kala duwan ee ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dega Dekedda Berbera oo ay ku jiraan kuwa wadayaasha ka ah Gaadiidka wax lagu xammaalo, ayaa Maanta Shir Jaraa’id ku qatay Xafiiskooda Berbera, isla markaana cabasho ka muujiyey Xuquuq ay sheegeen inay Dekedda ku leeyihiin oo ay ka heshiiyeen Masuuliyiinta Shirkadda Dekedda la wareegtay bishii hore ee DP World u jooga Berbera, balse ay sheegeen in Masuuliyiinta DP World u sheegeen in ay hakiyeen Lacagtii ay xaqa u lahaayeen, ka dib amar ka yimi Maamulka Dawladda Somaliland.

Masuuliyiinta iyo Xubnaha Ururka Muqur-maalka Dekedda Berbera, ayaa Shirka Jaraa’id ee ay ku qabteen Berbera si faahfaahsan ugaga war-bixiyey cabashadooda, ballan-xumada Wasiirrada, Baaq cusubna u diray Xukuumadda, waxaanannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.