Dawladda Soomaaliya oo Sheegtay inay la soo Wareegayso Maamulka Hawadeeda oo Dalal kale Dalbadeen

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jaangali) IYO Madaxweyana ICAO Dr Olumuyiwa Benard Aliu 2017

Muqdisho(Aftahannews):-Dawladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay la soo wareegayso Maamulka Hawada sare oo ay dhawaan Dawlado kale oo dhawr ahi Dalbadeen in lagu wareejiyo arrimaha adeeg-xumo ee Soomaaliya ka haysata Maamulka hawada awgeed.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jaangali) IYO Madaxweyana ICAO Dr Olumuyiwa Benard Aliu 2017
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jaangali) IYO Madaxweyana ICAO Dr Olumuyiwa Benard Aliu 2017

Hase-yeeshee, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jaangali), ayaa Xarunta Hay’addo ICAO ee magaalada Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria, waxaanay ka wadahadleen sidii loo dardargelin lahaa dhammeystirka Qalabka Hagidda Diyaaradaha oo loo iibin doono Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu faahfaahiyey kulankaas iyo waxyaabaha la iskula qaatay, waxaanu qoraalka Warkaasi u dhignaa sidan:-

“Qalabkaas waxaa lagu rakibi doonaa siddeed Garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo Xarunta cusub ee laga hagi doono Hawada Soomaaliya oo dhawaan laga dhisay Garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo marka la dhammeystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan Hawadeeda aanay ka dhici doonin xidhiidh xumo, waayo? Qalabka cusub ee laga dalbaday Shirkad Talyaani ah, ayaa ka dhigaya Soomaaliya inay yeelato VHF Coverage, taas oo Soomaaliya ay la mid noqonayso dhammaan dawladaha deriska ah.

Waxay isla qaateen Wasiir Jaangali iyo Guddoomiye Dr Aliu in qalabkaasi uu dabooli doono baahida xoojinta xidhiidhka Hawada ee Maamulka Hawada Soomaaliya, korna u qaadaysa shaqada loo qabto Diyaaradaha Dulmara Soomaaliya, iyadoo nabdgelyadooduna ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale waxaa kordhi doona dhaqaalaha laga qaadi doono diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ballan-qaaday in la dardargelin doono kobcinta Aqoonta Shaqaalaha iyo kuwa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdishu ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.

Kulankan, ayaa ku soo dhammaaday jewi wanaagsan, soona dhawaysay waqtigii Hawada Soomaaliya laga hagi lahaa Soomaaliya. Waxa Wasiir Jaangeli uga mahad-celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO(ICAO COUNCIL) iyo Madaxda ICAO, wada-shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.”

Hase-yeeshee, waxaa Toddobaadkii u dambeeyey soo xoogeysanayay hadal-heynta Qorshe la doonayo in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo Dawlado Shisheeye, halka qorshu uu markii hore ahaa in dawladda Soomaaliya lagu wareejiyo, qalabkii howshaa fududeyn lahaana la geeyay magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar oo Salaasadii la hadlay VOA, ayaa ka mid ah Dadka ka cabsi qaba in qorshaasi la saxeexo, iyada oo laga faa’iideysanayo xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto wakhtigan. Waxaanu sheegay in dawladaha Kenya, Itoobiya, Siishalis iyo Hindiya ay Shir horrraantii bishii koowaad ee sannadkan lagu qabtay Hindiya ku dalbadeen in lagu wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya, iyaga oo Sababtana ku sheegay inaan Qalabka lagu hago Diyaaradaha Hawada Soomaaliya isticmaalaa ahayn mid casri ah ee uu yahay mid Gaboobay, isla markaana sababa ismaqal la’aan dhinaca hagista ah oo dhibaato ku ah duullimaadyada Diyaaradaha dulmara Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.