Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud ku Xidhay Xilliga Ciidammada AMISOM ka baxayaan Dalka Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud Ku Xidhay Xilliga ay Ciidammada AMISOM Ka Bixi Doonaan Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inay Ciidammada Midawga Afrika ka socda ee Soomaaliya joogaa ay waddamadoodii ku noqon doonaan marka la dhiso Ciidammada Xoogga dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud Ku Xidhay Xilliga ay Ciidammada AMISOM Ka Bixi Doonaan Soomaaliya
Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud Ku Xidhay Xilliga ay Ciidammada AMISOM Ka Bixi Doonaan Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo Khubad ka jeedinayey Munaasabad uu Xilka kagala wareegay Madaxweynihii hore oo Khamiistii lagu qabtay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxa uu ku sheegay inuu u mahad-celinayo Ciidammada AMISOM ee dawladda Soomaaliya caawiya ee nabad-ilaalinta u joogta dalka, waxaanu yidhi; “Waxa la isa siiyo Nafta Aadamaha, ayaa ugu qaalisan, Ciidammada AMISOM naftooda ayey noo hureen, waanay ku mahadsan yihiin.”

Waxa uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo, sheegay in la dhisi doono Ciidammo Soomaali ah, kuwaas oo awood u yaalasha in ay beddelaan Ciidammada Nabad-ilaalinta Dalka u jooga ee AMISOM. “Ciidammada AMISOM Waxay ku noqon doonan dalalka ay ka yimaaddeen, marka aannu dhisno Ciidammo Xooggan oo Soomaali ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Ciidammada dawladda iyo kuwa Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa weli la tacaalaya sidii looga adkaan lahaa Kooxda Al-Shabaab oo weerarro kala duwan ku qaadaya Saldhigyada ay deggan yihiin Ciidammada iyo Xarumaha muhiimka ah ee dawladda Soomaaliya.

Hase-yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ma sheegin wakhti cayiman oo u qorshaysan dhismaha Ciidammada Xoogga dalka iyo xilliga rasmiga ah ee ay noqon doonto ama uu qorshaynayo inay Soomaaliya ka baxaan Ciidammada soddonka Kun ku dhaw ee ka socda waddamada Midawga Afrika qaarkood, sida Itoobiya, Kenya, Uganda, Burindi, Jabuuti iyo kuwo kale oo illaa 2008-dii ka hawlgala qaybo badan oo ka tirsan waddanka, gaar ahaan gobollada Koonfurta, Badhtamaha iyo Galbeedka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.