Daawo Siyaasi Iid Jiciir oo Ka Shifay Xogo Cusub oo la Xidhiidha Heshiiska Saldhigga Millateri ee Berbera

SIYAASIGA IID JICIIR AW-AXMED OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA IMAARAADKA LAGA SIIYEY 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiga Iid Jiciir Aw-Axmed oo ka tirsan Siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Somaliland, ayaa sheegay inay Somaliland ka Hantidii dalkeeda ka noqotay Macal-qabad waxa loo yaqaanno marka Xoolaha la iibinayo, isla markaana ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u daba-fadhido Heshiisyada uu ka midka yahay bixinta Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Berbera laga siiyey.

Daawo Siyaasi Iid Jiciir oo Ka Shifay Xogo Cusub oo la Xidhiidha Heshiiska Saldhigga Millateri ee Berbera
SIYAASIGA IID JICIIR AW-AXMED OO SI ADAG UGA HADLAY SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA IMAARAADKA LAGA SIIYEY 2017

Iid Jiciir oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxa uu faahfaahiyey xogaha uu ka hayo heshiiskaas iyo doorka ay ku lahayd dawladda xilka wareejisay ee Federaalka Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida ay Xukuumadda Siilaanyo Daaha u saarayso xaqiiqooyinka Heshiisyada ay Imaaraadka Carabta la gashay ee Maamulka Dekedda iyo ka Saldhigga Millateri.

Haddaba, Hadalka Iid Jiic oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana xogo kala duwan oo taariikhi ah iyo kuwo heshiisyadan ku saabsan soo bandhigay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.