Cabdimaalik Coldoon oo Hargeysa lagu Xidhay iyo Guddoomiyaha SOLJA oo Taageeray Xadhiggiisa

Cabdimaalik Coldoon oo Hargeysa lagu Xidhay

Hargeysa(Aftahannews):- Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa Ciidammada Ammaanka Madaarka Hargeysa ee Somaliland Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii uu ka soo degay Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Muqdisho oo uu tan iyo maalmihii doorashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya dhacaysay Safar ku joogay, taas oo loo malaynayo inay tahay sababta loo xidhay.

Cabdimaalik Coldoon oo Hargeysa lagu Xidhay iyo Guddoomiyaha SOLJA oo Taageeray Xadhiggiisa
Cabdimaalik Coldoon oo Hargeysa lagu Xidhay iyo Guddoomiyaha SOLJA oo Taageeray Xadhiggiisa 2017

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay inaanay illaa hadda garan karin sababta rasmiga ah ee loo xidhay Cabdimaalik Muuse Coldoon, isla markaana aanu waxba ka sidan Weriyeyaal Warbaahinta kala duwan ee Somaliland ka shaqaysa ka hawlgala oo ka qaybgalay doorashadii Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo Muqdisho ka qabsoontay siddeedii bishan oo ahayd Arbacadii toddobaadkii hore.

Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaanu Ururka SOLJA iyo Saxaafadda Somaliland midna taageeraynin Qof magaca Saxaafadda Somaliland sita oo tegay meel Qarannimada Somaliland lagu wiiqayo oo weliba u tegay si badheedh oo qaldan; sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha SOLJ.

Hadalka Guddoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) iyo laba qaab oo isku lid ah oo midna uu Xadhigga Weriyaha ku taageerayo ama sharci kaga dhigayo iyo mid uu Weriyaha ku difaacaya-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.