Baarlamanka: Khudbaddii Siilaanyo, Hambalyadii Farmaajo, Ansixintii Saldhigga Millateri, Diidmada Waddani & Dareenka UCID – Daawo Warbixin

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA EE GUURTIDA IYO WAKIILLADA OO ANSIXIYEY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA EE IMAARAADKA 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta hor-tegay Fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, ayaa Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah ka hor-jeediyey, taasoo ka koobnayd kuwii uu Sannadihii hore jeedin jiray, isla markaana si gaar ah uu diiradda ugu saaray Heshiiska Saldhigga Millateri ee ay Xukuumadda Siilaanyo la galayso Dawladda Imaaraadka Carabta, waxaanu sidoo kale hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo, isaga oo Bulshada ugu baaqay in loo gurmado Dadka Abaaruhu saameeyeen.

Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo u Jeediyey Baarlamaanka, Hambalyada Farmaajo iyo Ansixintii Heshiiska Saldhigga Millateri
Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo u Jeediyey Baarlamaanka, Hambalyada Farmaajo iyo Ansixintii Heshiiska Saldhigga Millateri 2017

Xildhibaannada labada Gole ee Fadhigaa ka xaadiray, ayaa ahaa 147 Mudane oo ka kala tirsan labada Gole, fadhigaas oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), waxaanay Aqlabiyadda Xildhibaannada fadhiga goob-joogga ka ahaa ansixiyeen Heshiiska 25-ka sano ee Saldhigga Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera.

XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA EE GUURTIDA IYO WAKIILLADA OO ANSIXIYEY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA EE IMAARAADKA 2017
XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA EE GUURTIDA IYO WAKIILLADA OO ANSIXIYEY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA EE IMAARAADKA 2017

Fadhigaas waxaa ka baxay Xildhibaanno Xisbiga Waddani ka tirsan iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu heshiiskaas meel-marintiisa Xalay ka sii digay, kuna tilmaamay mid halis badan.

Waxaa sidoo kale, heshiiskaas faahfaahin ka bixiyey oo mid muhiimad badan ku tilmaamay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe. Inkasta oo fadhiga Golaha uu hadheeyey Buuq, is-jiidjiid iyo gacan-ka-hadal Xildhibaannada qaarkood dhex-maray, haddana jewigu caadi ayuu ku soo noqday, waxaanay Mudanayaashu guda-galeen Codaynta Heshiiskaas.

Haddaba, Warbixinta sida Fadhigaasi u furmay, sida uu ku dhammaaday, nuxurka Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey iyo sida uu Heshiiskaas oo ay Xukuumaddu olole xooggan u gashay, isla markaana Mudanayaasha Lacag badan oo Laaluush ah ku siinaysay habeennadii ugu dambeeyey, Diidmada Cirro iyo Xildhibaannada Xisbigiisa, Dareenka UCID iyo Masuuliyiin kale oo ka hadlay arrimahaas-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.