“Farmaajo wuxu Wiiqay Awooddii Al-Shabaab, waxaan Illaahay ka Beryeynay Inaanu nagu soo celin, balse..” Afhayeenka Al-Shabaab

MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Muqdisho(Aftahannews):- Malleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka ka wadda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay Illaahay ka baryayeen inaanu doorashada ku guulaysan Madaxweynaha cusub ee hadda Soomaaliya loo dorotay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay sheegeen inuu ahaa Ninkii wiiqay awooddii ay Al-Shabaab lahayd dabayaaqada 2010-kii illaa horraantii 2011-kii oo uu Raysal-wasaare ka noqday Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya wakhtigaa ka jirtay.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017
MADAXWEYNE MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab, ayaa Warbaahinta Afka Malleeshiyadaas Al-Shabaab ku hadasha u sheegay, inay Al-Shabaab ahaan ku Rabbi-baryayeen inuu Farmaajo ku soo saarin, balse aan Qaddarka Illaahay la baajin karin, inkastoo Xildhibaanno badan oo Al-Shabaab taageersan sida uu hadalka u dhigay ku jiraan Golahaas, hadda Illaahay u qaddaray xilkaas oo ay Badi Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya codkooda ku soo saareen.

“Maalintii Farmaajo la magacaabay waxaanu ahayn awood jirta, waxaan gacanta ku haynay guud ahaan gobolka Banaadir marka laga reebo Villa Soomaaliya. Sidoo kale Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya gacantayada ayay ku jireen, waxaa uu shaqo ka bilaabay inuu cafis u fidiyo Qof kasta oo Al-Shabaab ah, Saraakiishayada iyo Ciidammadiinna wuxuu ku dhex yeeshay qaar wax Basaasa, waxaanu nagala dagaallamay Hubkii aannu sida fudud ku heli jirnay.” ayuu yidhi Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere).

Afhayeen Cali-Dheere oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay oo yidhi; “Inkasta oo Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka buuxan Murtidiin badan, haddana waxaa ku jira Dad wali uu ku danbeeyo wanaagga iyo in la ilaaliyo awoodda Islaamka, inta fekerkaas fiicaan qabta ee maanta ku jirta Baarlamaanka cusub waxaan Illaahay uga baryaynay in aanay codkooda siin Farmaajo, balse qaddarka Alle cidi baajin mayso oo Farmaajo ayay nagu soo celiyeen.”

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.