Fashilka Go’aankii Trump ee Xayiraadda, Hanjabaaddiisa Cusub & Boqollaal Muhaajiriin ah oo Xabsiyada lagu Guray

Aqalka Cad ee Maraykanka oo mar kale Racfaan ka qaatay Qaraarro lagu diiday Go’aankii Xayiraadda 7-da Dal ee Trump

Washington(Aftahannews):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu dib ula noqonayo Racfaanka uu ka qaadan lahaa go’aanka ay Maxkamaduhu ku hor-istaageen dhaqan-galka Xayiraadda socdaalka ee uu Dadka Toddobada Waddan ee Muslimiinta ah ee Soomaaliya ku jirto ku soo rogay.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo mar kale Racfaan ka qaatay Qaraarro lagu diiday Go’aankii Xayiraadda 7-da Dal ee Trump
Trump oo mar kale ku hanjabay inuu soo celinayo wax ka beddelka sharciga xayiraadda ee maxkamaduhu buriyeen 2017

Madaxweyne Trump, ayaa Saxaafadda u sheegay inuu taas beddelkeeda soo saari doono amarro dheeraad ah oo dhanka socdaalka ah. Wuxuu sheegay in uu fursado badan haysto, isla markaana uu Amar kale soo saari doono toddobaadka soo socda.

Madaxweyne Donald Trump wuxuu hore u sheegay; in aanu shaki ku jirin in Maamulkiisu uu ku guuleysan doono dagaalka dhanka Sharciga ka socda ee ku saabsan xayiraadda socdaalka Dadka toddoba Waddan oo Muslimiin ah.

Shir Jaraa’id oo ay qabteen Trump iyo Ra’iisul-wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayuu Trump ka sheegay in tallaabada lagu soo celinayo la deddejinayo, soona rogi doono toddobaadka soo socda tallaabooyiin dheeraad ah oo dhanka Amniga ah. Hadalkaas wuxuu jeediyay iyadoo Qareennada Maxkamadda Virginia ay Maxkamadda u sheegayaan in go’aanka Trump uu ka dhashay naceybka uu u qabo Muslimiinta. Khamiistii, Maxkamad Racfaan, ayaa sheegtay in Maamulka Trump uu ku guul-darreystay inay caddeyn bixiyaan ay qiil ugu raadiyaan Xannibaadda.

“Waxaan dooneynaa inaan dalkeena nabad ka dhigno, waxaan sameyneynaa waxkastoo lagama maarmaan ah si dalka uu amni u sii ahaado.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Trump, waxaanu intaas ku ladhay; “Waxbaan si degdeg ah u sameyndoonnaa oo tallaabooyiin amni oo dheeraad ah ay ka mid yihiin, wax cusub ayaad isbuuca soo socda arki doontaan.”

Mr. Trump muu cadeynin waxa uu ula jeedo, tallaabooyiin dheeraad ah, balse wuxuu ka jawaabayay su’aal Weriye uu weydiiyay oo ku saabsanayd inuu qorsheynayo inuu amarro cusub soo saarayo.

Muxuu yahay kiiska Virginia? Waxa uu ka mid yahay dacwooyiin kala duwan oo loo gudbiyay maxkamadaha federaalka ee Mareykanka oo lagula dagaallamayo tallaabada Trump uu xayiraadda socdaalka ku saaray todobo dal oo Muslimiin ah. Afhayeenka Xeer ilaaliyaha Virginia Mark Herring, wuxuu sheegay inay arrinta noqon karto Kiis si qoto dheer loo eegayo doodda ku saabsan saameynta xayiraadda.

Dacwadda waxaa si guud diiradda lagu saarayaa xannibaadda uu Trump soo rogay, iyadoo aan la eegeyn arrinta gaarka ah ee Afarta bilood lagu xannibay qaxootiga. Garsooraha dhageysanaya dacwadda waxaa magacaabay Madaxweynihii hore Bill Clinton, sanadkii 1993-dii.

Geesta kale, Dadka u ololeeya arrimaha Qaxootiga ee Maraykanka, ayaa sheegay in Boqollaal Qof oo Muhaajiriin ah lagu qabqabtay howlgallo Mareykanka ka dhacay. Saraakiisha Waaxda socdaalka ee Mareykanku waxay sheegeen in hawlgallada ay ka fuliyeen magaalooyinka Los Angeles, Atlanta, Chicago, New York, Texas iyo North-Carolina, iyaga oo intaas ku daray in Dadka ay xidh-xidheen yihiin Dad bilaa Sharci ku joogay waddanka Maraykanka, isla markaana aan qaxootinnimo u diiwaangashanayn.

Arrintaas ayey ku tilmaameen Dadka u ololeeya Xuquuqda Qaxootiga inay qeyb ka tahay u hoggaansamidda shuruucda Trump uu soo rogay. Hase-yeeshee, Xubnaha Socdaalku waxay sheegayaan in howlgallada noocaan ah ay la mid yihiin kuwa caadiga ah ee ka dhanka ah Budhcadda.

Waxay tilmaameen in Madaxweynayaashii hore xilligoodii la sameyn jiray hawlgallo noocan oo kale ah. Balse, Hay’ad u doodda Xuquuqda Qaxootiga Los Angeles (Chirla 2), ayaa sheegtay in dadka la xidhay loo diiday inay Qareennadooda la hadlaan. Xiisaddan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii ay dawladda Mexico Muwaaddiniinteeda uga digtay dacwadaha ay Mareykanka ku wajihi karaan.

Sidoo kale, Dawladda Mixico waxay Muwaaddiniinteeda Maraykanka ku dhaqan ugu baaqday; inay xidhiidh toos ah la yeeshaan Safaaradda Mexico ee Mareykanka. Arrintaas, ayaa ka dhalatay ka dib markii maalin ka hor Mareykanka laga musaafuriyay Haweeney Mexico u dhalatay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.