“Somaliland hadday Bixiso Saldhigga Millateri, waxay ka dhigantay Nin isagu Is-qarxiyey..” Xil. Xuseen Ismaaciil

“Somaliland hadday Bixiso Saldhigga Millateri, waxay ka dhigantay Nin isagu Is-qarxiyey..” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil 2017

“Waxa keliya ee laga shakiyey waxa weeye haddii heshiisba aanu jirin oo aynaan horgeyn karaynin Wakiillada aynu ku buuxsanno Golaha Guurtida…” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille

“Somaliland hadday Bixiso Saldhigga Millateri, waxay ka dhigantay Nin isagu Is-qarxiyey..” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil 2017
“Somaliland hadday Bixiso Saldhigga Millateri, waxay ka dhigantay Nin isagu Is-qarxiyey..” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu Hehsiis aan la gelin labada Gole ka dalbadaan inay u ansixiyaan wax nooc uu noqon doono, dhibtiisa iyo dheeftiisa aan midna la ogeyn, kaas oo ah Heshiiska Saldhig Millateri oo Dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera oo wadahadalkiisu socdo, isla markaana Madaxweynuhu ku soo bandhigi doono Fadhi wada-jir ah oo uu Maanta oo bisha Febraayo 12 tahay Guurtida iyo Wakiilladu yeelan doonaan, isla markaana uu Khudbad-sannadeedkiisa Dastuuriga ah ka jeedin doono.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille iyo Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo labadooduba ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa arrinta Saldhiggaas Millateri, waxa Maanta Madaxweynuhu Baarlamaanka la hor-iman doono, Shuruucda ka farcantay iyo Dastuurka Somaliland waxay ka qabaan arrintaas iyo qodobbo kale-ba, waxay ku faahfaahiyeen Shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, waxa uu sheegay in tallaabada labada Gole lagaga dalbanayo heshiis aan la gelin oggolaanshihiisa ay sharci-darro tahay, waxaanu yidhi; “Waad wada maqlayseen hadalkii Wasiirka arrimaha dibedda Sacad, waxa uu umadda u caddeeyey inaanu jirin heshiis Saldhig Millateri oo ay Xukuumadda Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, mar haddaanu kaasi jirin, waxa layaab ah waxa labada Gole la hor-keenayo ee uu Madaxweynuhu isugu yeedhay. Sida ku cad qodobka 53-aad Golaha Sharci-dejinta koowaad oo ah Golaha Wakiillada ayuun baa xaq u leh ansixinta heshiis caalami ah oo keenaya culays dhaqaale markay heshiiskaa caalamiga ah eegaan heshiiskaasi muddaro iyo maganfac waxa uu dalkan iyo dadkan u leeyahay, Gole kale oo la lihi sharciyan ma jiro.”

XILDHIBAAN MAXAMED FAARAX QABILLE OO KA HADLAY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017
XILDHIBAAN MAXAMED FAARAX QABILLE OO KA HADLAY HESHIISKA SALDHIGGA MILLATERI EE BERBERA 2017

Xildhibaan Qabille oo ka hadlaya waxa sababay in labada Gole la wada horkeenayo dalabka oggolaanshaha Heshiiska Saldhigga, maaddaama oo aanu jirin Sharci arrintaas ka dhexaysiin kara labada Gole Baarlamaan, waxa uu yidhi; “Waxa keliya ee laga shakiyey waxa weeye haddii heshiisba aanu jirin oo aynaan horgeyn karaynin Wakiillada aynu ku buuxsanno Golaha Guurtida. Waxaanan halkan ku caddaynayaa inaanu jirin Qodob Dastuuri ah oo ka dhaxaysiinaya hadduu Heshiisba jiri lahaa labada Gole ee Wakiillada ayuun baa sharci la leh. Waxa la wadaana waxa weeye labada Goloow noo oggolaada inaannu Heshiis soo galno. Xukuumaddu iyadaa u madax-bannaan inay heshiis soo gasho oo ay Sharciga mariso, laakiin heshiis baan soo galayaaye ii oggolaada wuxuu yahay aan la ogeyn Dastuurka Jamhuuriyadda meelna kagama taallo. Madaxweynaha iyo Xukuumaddu xaq bay u leeyihiin inay Sharci-dejinta wakiillada hor-keenaan heshiis ay soo galeen. Madaxweynuhu wuu soo maray Golaha Wakiillada, Maxamuud Xaashi Cabdi wuu soo maray Golahan, waxay kala garanayaan shuruucda, qodobbada Dastuurka iyo Xeerarka, ee ma wax baa u dhuuntay tolow? Anigu waxaan qabaa Dhiil-raacoow kale ayaa meeshan jira, DP World sidaas bay golahan kaga baxday, maantana waddadii uun baa la soo raacay, sharcigiina waa la iska laabay.”

Sidoo kale, Xuseen Ismaaciil oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa isaguna si adag uga digay halista Saldhiggaas oo uu ku tilmaamay in haddii la bixiyo Somaliland ka dhigan tahay Nin isagu is-qarxiyey, waxaanu yidhi; “12-ka bishan waxaa loogu yeedhay labada Gole inay dhegaystaa Khudbadda Madaxweynaha, waa Dastuuri in sannadkiiba mar Khudbadda Madaxweynaha Golayaasha Sharci-dejintu dhegaystaan. Laakiin, waxaa ku hoos-jira waxaan sharci ahayn oo la leeyahay; Heshiis Saldhig Millateri baannu la galaynaa dawlad yar oo Imaaraadka la yidhaahdo ee noo fasaxa oo noo oggolaada. Waa qayrul-dastuuri, wax lagu hadlana maaha.”

“Heshiis waa la geli karaa, isaga oo Konton Bayj ah halla keeno Golaha, Goluhuna bil ha haystaan oo xaraf xaraf halla isudul-taago, halla eego wixii dan ah. Laakiin, ma suuragalayso inay noqoto fool-eri iyo noo oggoladaada, kii horena caynkaas buu ahaa ee DP World oo isagoo Boqol Bayj ah, ayaa la yidhi; ‘Baarlamaankoow toban bayj baannu ka soo dheegnee noo oggolaada’ Heshiisyadii Baadroolkuna waa caynkaa. Xukuumadda Maanta Somaliland joogtaa waxa weeye mid aad iyo aad uga tallaabsaday qaynuunkii, waxaannu leenahay sharciga haku soo noqoto.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen.

Waxa uu Md. Xuseen Ismaaciil oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Saldhigga Millateri haddii la isku afgaran waayo ama uu jidayn waayo Dastuur-ba afti dadweyne ayaa u taalla, intiina waa lagala ordayaa. Waxaannu aad u dhalliilaynaa tallaabada ay Xukuumaddu qaadayso ee wax ilmaha yar ee Buuryo-qabka ahi dareemayo ay Golayaasha la hor-imanayaan. Imaaraadku waa dawlad yar awood uma laha inay Saldhiggan oo kale maamusho, Dad kale ayaa ka dambeeya oo dawlado waawayn baa ka dambeeya.”

“Waa 70KM baa la leeyahay, Bad iyo Barrima, waxaa ku soo xidhanaya Dabaabadaha Adduunka oo dhan, waa goob dagaal, halkii lagaga duulo ee la duqeeyaaba adigay ku duqaynaysaa. Waxaannu leenahay Bulshada Annagu idin soo gaadhsiinnay, wixii dan ah la diidi maayo, laakiin waxaa halkan ka cad dantii guud baa la iska illaaway oo dan gaar ah baa meeshan soo gashay. Waxaannu idiinka digaynaa haddii Saldhiggaa la ansixiyo inay halis tahay, Saraakiishii iyo Khobaradii Millateri oo dhami waxay sheegeen in Saldhiggaasi Somaliland uga dhigan yahay Nin is-qarxiyey oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Ismaaciil.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.