Wasiirka Duulista Somaliland oo Addis Ababa Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Federaalka Itoobiya

Wasiirka Duulista Somaliland oo Addis Ababa Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Federaalka Itoobiya

Addis Ababa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay inuu Xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya intii ay ku sugnaayeen magaalada Adids Ababa ee Xarunta Waddankaasi.

Wasiirka Duulista Somaliland oo Addis Ababa Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Federaalka Itoobiya
Wasiirka Duulista Somaliland oo Addis Ababa Kula Kulmay Wasiirka Gaadiidka Federaalka Itoobiya

Waxaa sidaa lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay qaybta Wararka ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, waxaanu Nuqul Warkaas ka mid ah oo Aftahannews helay u dhignaa sidatan:-

“Wasiika Duulista Faraxaan Aadan Haybe Waxa uu sheegay in ay wasiirka ka wadahadleen xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Wasaaradood ee qotada dheer iyo sidii ay uga caawin lahaayen Hawlwadeenada Wasaarada Duulista dhnaca tababarada.

“Waxaan xafiiskiisa kula kulmay wasiirka gaadiidka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya mudane Axmed Shide, waxaananu ka wada hadalnay xidhiidhka shaqo ee labada wasaaradood iyo sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinacyada tababarka shaqaalaha madaarada iyo kuwa hawada iyo hagista diyaaradaha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Dhanka kale, waxa uu Wasiir Farxaan sheegay in ay la kulmeen isaga iyo Waftiga uu la socday Raysal Wasaaraha Itoobiya Md. Hailemariam Desalegn , waxaanu yidhi Wasiirku:-“Waxa kale oo aniga iyo waftigii kale ee xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland aanu kulan dheer oo qaatay 2 saacadood kula yeelanay xafiiskiisa raysal wasaaraha Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn. Kulankaas oo lagu gorfeeyay la iskulana meel dhigay arrimo badan oo ku aadan danaha labada dal.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Warkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.