Maxaa Ka Soo Baxay Wejiga Labaad Ee Wadahadalka Somaliland Iyo Khaatumo Ku Dhex-maray Jabuuti?

QODOBBADA HESHIISKA WEJIGA LABAAD EE WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND EE JABUUTI 2017

Jabuuti(Aftahannews):- Wejiga labaad ee wadahadalka Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo muddo dhawr cisho ah ka socday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa gunaanadkii laga soo saaray qodobbo kala duwan oo dhawr ah oo ay Guddiyada labada dhinac wadahadalka u metelayaa wada saxeexdeen.

QODOBBADA HESHIISKA WEJIGA LABAAD EE WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND EE JABUUTI 2017
QODOBBADA HESHIISKA WEJIGA LABAAD EE WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND EE JABUUTI 2017

Kulankan ay labada dhinac ku wadahadlayeen, waxa goob-joog ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, isla markaana ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ah Hoggaamiyaha Khaatumo.

Waxaana shirkaas kasoo baxay qodobbo dhawr ah, waxaana nuqul ka mid ah oo uu Warbaahinta Aftahannews, isla markaana ka kooban shan qodob, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“1- Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiskii 11 qodobka ka koobaan ee Addis Ababa 21-12,2016 wixii hirgalay iyo wixii aan hirgelin.

2- In taakulaynta iyo gurmadka Abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.

3- Waxaannu ugu baaqaynaa Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba inay si deg-deg ah uga hawlgalaan deegaannadaasi, Abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.

4- In shirka Guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.

5- Waxaannu si wada-jir ah u canbaareynaynaa falka nabadgeliyo xumida iyo khal-khalgelinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen Madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017. Waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka waantawdo falkaas foosha-xun iyo faro-gelintaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Heshiiskaas Warbaahintu heshay ee ay isla-gaadheen Guddiyada wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo.

QODOBBADA HESHIISKA WEJIGA LABAAD EE WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND EE JABUUTI 2017 1
QODOBBADA HESHIISKA WEJIGA LABAAD EE WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND EE JABUUTI 2017 1

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.